4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Dibadbax lagu taageeray Midnimada Somalia oo Maanta ka dhacay Buuhoodle


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayay midnimada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaasoo ay ka qayb-galeen boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo degmadaas ka taliya.

Mudaaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo looga soo horjeedo Somaliland, iyagoo ku ammaanay dowladda Somalia inay waddo wanaagsan u martay wadahadalladii fashil-may ee lagu waday inay Turkiga ka dhacaan toddobaadkii hore.

Shacabka dibadbaxa ka qaybgalayay oo isugu jiray, rag, dumar, waayeel, carruur iyo arday ayaa waxay qaarkood sare u hayeen sawirro ay ka mid ahaayeen midka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia.

Mas’uuliyiintii dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay in Somalia aysan sii ahaan karin xilligan mid kala go’goda; iyagoo ku baaqay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay u gasho dadaal dheeraad ah sidii midnimada Somalia loosoo celin lahaa.

“Innagu waxaan qabnaa in Somaliland aysan ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, loona baahan yahay in laga shaqeeyo midnimada dalka,” ayay ka sheegeen mas’uuliyiinta Khaatumo ee dibadbaxa ka hadlayay.

Dibadbaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan ay burbureen wadahadallo la doonayay in dowladda Somalia iyo Somalland ay Turkiga ku yeeshaan, kuwaasoo qayb ka ahaa wadahadallo horay u soo socday.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadallo ay Somalia & Somaliland ku yeelan lahaayeen Turkiga gaar ahaan Istanbuul ayaa burburay, kadib markii wafdigii Somaliland ku metelayay shirka ay diideen inay la fariistaan xubnihii dowladda Soomaaliya ka socday oo ay ku jireen kuwo kasoo jeeda Somailland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya