4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Sarkaaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab oo iska dhiibay gobolka Galguduud


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsan Al-shabaab la sheegay in uu isku soo dhiibay maanta mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo la sheegay in horay uu sakraalkan xiriirro ula soo sameeyay mas’uuliyiinta dowladda.

Magaca sarkaalkan ayaa lagu sheegay, C/llaahi Axmed Muxumed, kaasoo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo diyaarinta walxaha qarxa, wuxuuna ku sugnaa deegaanka Gal-hareeri ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalkan uu Khamiistii lasoo dhaafay isku soo dhiibay madaxda dowladda ee magaalada Dhuusa-mareeb ku sugan, iyadoo la sheegay in toddobaad ka hor uu Al-shabaab kasoo baxday.

Madaxa amniga gobolka Galgaduud, Mahad Khaliif Rooble ayaa sheegay in sarkaalkan uu lasoo xiriiray, isla markaana ay soo dhoweeyeen, wuxuuna ku baaqay in saraakiisha kale ee Al-shabaab ka tirsan ay kasoo tagaan oo ay ku soo biiraan dhanka dowladda Somalia.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb, Macallin C/raxmaan Cali Maxamed (Geedo-qorow) ayaa isna sheegay in dowladdu ay soo dhaweyneyso dadka kasoo baxaya fikirka kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale, C/llaahi Axmed Muxumed oo ah sarkaalka soo goostay oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu horay tababar dhinaca miinooyinka ah loogu qaaday dalka Yemen, ka hor inta uusan bilaabin inuu miinooyinka geliyo goobo badan oo dalka ka mid ah.

Ugu dambeyn, sarkaalkan ayaa la filayaa in la keeno Muqdisho si hay’adaha sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka lagu wareejiyo, kuwaasoo horay loosoo gacan-geliyay saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasoo horay isugu soo dhiibay dowladda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro weli hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku sheegayaan in uu sarkaalka la sheegay inuu iska dhiibay Dhuuso-mareeb uu ka mid ahaa saraakiishooda sare iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya