4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Nicholas Kay & Maxamed Cabdi Afeey oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Danjire Nicholas Kay ayaa wadatashi la yeelan doono mas’uuliyiin maamulka KMG ah ee Jubba ka tirsan, taliska ciidanka AMISOM iyo wakiillada QM ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, waxaa magaalada Kismaayo isla maanta gaaray wakiilka IGAD ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey. Iyadoo la sheegay in isna uu kulammo la yeelan doono maamulka KMG ah ee Jubba.

Guddoomiyaha magaalada Kismayo ayaa warbaahinta u sheegay in  labadan mas’uul ay magaalada u yimaadeen sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen soo xulista xubnaha baarla-maanka maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyn, maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday wada-tashiyo la xiriira soo xulista xubnaha baarlamanka maamulkaas ka mid noqon doona.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Jubba ayaa ka mid ah maamullada dalka ka jira, iyadoo maamulkan iyo maamulka kale ee Koonfur-galbeed ay xilligan ku howlan yihiin sidii ay u soo xuli lahaayeen xildhibaannadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya