4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Deeq la gaarsiiyay dadkii kasoo barakacay Jasiiradaha gobolka Jubada Hoose


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Deeqdan oo isugu jirtay Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid ayaa la gudoonsiiyay qoysas dhawaan kasoo barakacay deegaanada Jaziiradaha ee galbeedka gobolka J/hoose, iyadoo deeqdani ay ka timid maamulka Jubbaland.

Dadkan barakacayaasha oo ka kala yimid Jaziiradaha Kudhaa, Kooyaama, Juula iyo Jaziirado kale oo dhowr ah ayaa waxa ay kasoo barakaceen dagaallo iyo biyo la’aan ka jirta halkaasi, iyadoo dadkani ay ku dul noolyihiin qoysas ehelladooda ah oo hore u deganaa magaalada Kismaayo.

Barakacayaashan ayaa ahaa kuwo ay aad u liidato xaaladooda dhanka nolosha, waxaana wasiirka arimaha bulshada iyo waxbarashada Jubbaland oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talo galeen in dadkani dhibaateeysan ay ku kaalmeeyaan, isagoo sheegay in ay u baahanyahay taageero intan ka badan.

Suldaanka Beesha Baajuun, Suldaan Diini Mahadi Diini oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay deeqda uu maamulku soo gaarsiiiyay, isagoo ka codsaday hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax awooda in ay usoo gurmadaan dadkan barakacayaasha ah, isagoo sheegay in dadka ku dhaqan Jaziiradaha ay yihiin dad shaqeysta oo aan weligood barakac arkin, hadana ay mudanyihiin in la garab istaago maadaama buu yiri ay deegaanadoodii kasoo qaxeen.

Qoysaskii la gudoonsiiyay deeqda ayaa aad uga mahadceliyay uga mahadceliyay maamulka kaalmada uu soo gaarsiiyay, iyagoo codsay in lasoo gaarsiiyo kaalmo intan ka badan, maadaama aysan heysan hooy iyo dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.