4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Ban Ki-Moon oo ka hadlay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Dunida


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Iyadoo maalinta berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 08-da Maarso 2015-ka caalamka oo dhan laga xuso Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka ayaa waxaa ka hadlay munaasabaddan xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon, isagoo kaga hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin haweenka adduunka.

Warbixinta xoghayaha guud ayaa lagu billaabay sidan:

Labaatan sanadood ka hor, markii uu caalamku isugu yeeray shir looga hadlayo xuquuqda haweenka, colaaddii lagu baaba’ay ee Yugoslavia-dii hore ayaa keentay in si mudnaan leh loogu soo jeesto kufsiga iyo dambiyada kale ee dagaallada ee loo geystay dadka rayidka ah ee halkaas joogay.

Kaddib labaatan sano kooxaha xagjirka ah ee colaadda waday bartilmaameed ka dhigtay gabdhaha ay da’adoodu u yaraan karto ilaa toddobo sanno, waxaa si fudud looga niyad-jabi karaa shirarka caalamiga. Balse inkastoo ay weli wax badan nooga hareen inaan gaarno sinaan buuxda – iyadoo ujeeddada udub-dhexaadkana ay tahay in la joojiyo colaadda ku saleysan jinsiga – haddana horumarka la gaaray labaatankii sanno ee lasoo dhaafay wuxuu caddeeyay qiimaha aan dhammaaneynin ee shirkii Beijing ee haweenka oo la qabtay sannadkii 1995-kii. 

Tan iyo markii la isla qaatay baaqii iyo qorshe-howleedkii shirka gabdho badan ayaa fursado badan u helay waxbarasho badan taasoo ka badan intii weligeed la soo maray. Tirada haweenka ee ku dhinta umusha ayaa laga dhigay mid ku dhow kala bar. Haween badan ayaa hogaamiya ganacsiyo, dowlado iyo ururro caalami ah.

“Waxaan soo dhaweynayaa horumarkan la gaaray. Isla markaas maanta oo ah maalinta caalamiga ah ee Haweenka, waa inaan garwaaqsanaa in laga gaaray horumar dhibaateynta haweenka, waana inaan qabanaa wax intaa aad uga badan si aan u dardar-gelinno horumar laga gaarayo meel walba,” ayuu yiri Ki-Moon.

Caalamku waa inuu isugu yimaadaa si wax looga qabto kooxaha xagjirka ah ee bar-tilmaameedsanaya haweenka iyo gabdhaha. Laga billaabo Somalia, Nigeria, Suuriya iyo Ciraaq, jirka haweenka ayaa loo bedelay goobo dagaal oo ay isku hardiyaan dagaalyahano ku kacaya istaraatijiyado gaar ah oo nidaamsan, oo inta badan u saleysan isirka ama diinta.

Haweenka waxaa loo weeraray inay isku dayeen inay helaan xaqa ay u leeyihiin waxbarashada iyo adeegyada asaasiga ah; waa la kufsaday, waxaana laga dhigay adoomo galmo; waxaa abaal-gud ahaan loo siiyay dagaalyahannada ama kooxaha xag-jirka ah ayaa isku isw-eydaarsaday shabakadaha ka ganacsiga dadka.

Dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo kuwo kale ayaa si qorsheysan loogu dilay inay isku dayeen inay ku shaqeystaan xirfadahooda. Dadka difaaca xuquuqul insaanka haweenka oo si geesinimo ah uga hortaga gumaadka caynkaas oo kale ah ayaa khatar geliya – mararka qaarkoodna ku waaya – naftooda xilli ay dadaalkan ku jiraan.

Waa inaan mowqif cad oo caalami ah ka istaagnaa weerarkan buuxa ee lagu hayo xuquuqul insaanka haweenka. Beesha caalamku waxay u baahan tahay inay caradeeda u tarjunto tallaabo macno leh oo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin gargaar baniaadanimo, adeegyo maskax-bulsho, taageero nololeed iyo dadaal lagu bixiyo in kuwa dhibka geystay caddaaladda loo hor keeno.

Iyadoo haweenka iyo gabdhaha ay inta badan yihiin bar-tilmaameedka koowaaad u yihiin weerrada, xuquuqdoodu waa inay dhexda kaga jiraan hanaanadeenna aan kula tacaaleyno dhibaatadan ballaaran oo si kordheysa.

“Awood la siiyo gabdhaha iyo haweenka ayaa ah rajada ugu wanaagsan ee horumar waara kadib marka laga soo baxo colaadda. Iyagaa ah kuwa ugu wanaagsan ee horseeda horumar dhaqaale, rajada ugu wanaagsan ee dib-u-heshiisiinta iyo gaashaanka ugu wanaagsan ee lagaga hortago xagjirnimada dhallinyarada iyo dib u soo noqoshada colaadda,” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray xoghayaha guud ee QM. 

Sidoo kale, waxaa warbixinta lagu yiri. “Xataa bulshooyinka nabadda haysta - gabdho iyo haween aad u badan ayaa weli ah bar-tilmaameedka tacadiyada ka dhaca qoyska ama guriyaha, gudniinka fircooniga iyo sidoo kale noocyada kale ee tacaddiga ah ee dhibaato maskaxeed ku rida dadka, burburiyana bulshooyinka dhammaantooda. Takooriddu weli waa derbi ballaaran oo lagama maarmaan ah in la burburiyo. Waxaan u baahan nahay inaan kordhino fursadaha siyaasadda, ganacsiga iyo meelo kaleba.”

Waxaan u baahanahay baa warkan lagu yiri inaan bedelno fikirka maskaxda, gaar ahaan ragga dhexdooda oo aan ragga ka qayb-gelino inay iyaguba noqdaan kuwo is-bedelka horbooda. Waana inaaan go’aankeena ku xoojinaa dhaqaale ku saleysan in si hubaal ah loo fahmo in maal-gashiga sinnaanta ragga iyo dumarka uu keeno horumar dhaqaale, kawada qayb-gal bulsho iyo mid siyaasadeed iyo faa’iidooyin kale oo iyana sii xoojiya xasilloonida iyo sharafta.

Ugu dambeyn, warbixinta ayuu Ban Ki-Moon ku sheegay in sannadkan uu yahay mid muhim u ah horumarinta xuquuqul insaanka haweenka. Beesha caalamku waxay si adag ugu hawlan tahay dejinta ajenda cusub ee horumar waara, ajandahaasoo ku saleysan yoolalka horumarka kun-sannadlaha ah oo qaabeeya siyaasadaha iyo maal-gashiga bulsho ee faca jiilka soo socda.

Si uu u noqdo mid isbedel dhab ah keena, ajandaha horumarinta wixii ka dambeeya dam-beeya sannadkan 2015-ka waa in mudnaanta koowaad la siiyo sinnaanta ragga iyo dumarka iyo awood siinta haweenka.

Caalamku marna weligii ma gaari doono 100% ee yoolalkiisa haddii 50% ka mid ah bul-shooyinka caalamka aysan gaarin karktidooda buuxda. Markaan awoodda haweenka aad u xoojinno ayaan xaqiijin karnaa mustaqbalka dadk oo idil.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya