4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Kooxo Hubeysan oo Xalay Saddex Ruux oo isku Qoys ah ku dilay Beledweyne

Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Kooxo habeysan ayaa habeennimadii xalay ku dishay guri ku yaalla xaafadda Howl-wadag ee magaalada Beledweyne nabadoon lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Xassan [Axmed Siyaar]  wiil 8 sanno jir ah oo uu dhalay iyo ruux ilaalo u ahaa oo la sheegay in uu adeer u ahaa nabadoonka la dillay.

Kooxaha hubeysan ayaa siddoo kale dhaawacay xaaska nabadoonka iyo gabar uu dhalay sidda uu HOL u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Beledweyne Max'ed  Cismaan Cabdi Qalaafoow.

''Saacadu markay ahayd 1:00 habeennimo ee xalay ayay kooxo hubeysan soo weerareen guriga nabadoonka, waxay gudaha guriga ku dileen nabadoonka iyo wiil 8 sanno jir ah oo uu dhalay, waxaa ay sidoo kale dhaawac halis ah u geysteen xaaska nabadoonka iyo gabar uu dhalay, wiilka uu adeerka u ahaa nabadoonka guriga ayeey ka kaxeysteen kaddibna waxaa meydkiisa laga soo hellay dulleedka magaalada isaga oo la gowracay'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

Guriga uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammada maamulka gobolka Hiiraan, hasse ahaatee ma jirto cid ay ciidammada u qabteen falka dlka ah ee loo geystay saddexda ruux ee isku qoyska ka soo wadda jeeday.''Kooxaha weerarka geystay waxaa ay ka tirsanaayeen Al-shabaab tiradooda ilaa siddeed ruux ayaa naloogu sheegay, waana ku raad joognaa,'' ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

Dhawaan ayeey aheyd markiii xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne kooxo hubeysan ku dilleen ganacsade Cumar Max'ed Nuur [Xaaji Quroow] oo ilaa iyo hadda dilkiisa cidna loo soo qaban.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya