4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Dowlada Somalia oo sheegtay in la siinayo diyaaradaha loo yaqaan Drones-ka


Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in markii ugu horreysay la siinayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka si ay ugu isticmaasho dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Somalia, Maxamed Yuusuf ayaa u sheegay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua in dowladda Somalia la siinayo markii ugu horreysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, inkastoo uusan sheegin dalka siinayo.

“Waddamo aan saaxiibbo nahay ayaa nagu caawinaya diyaaradaha Drones-ka loo yaqaanno, waxaana u adeegsan doonnnaa dagaalka aan kula jirno Al-shabaab,” ayuu yiri Yuusuf, balse ma sheegin AMISOM ay diyaaradahan u adeegsan doonto dagaalka iyo in kale.

Dowladda Mareykanka ayaa horay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka u isticmaashay dhowr jeer weerarro ay la beegsatay goobaha ay Al-shabaab ka taliso, kuwaasoo ay ku dishay hoggaamiyihii hore ee kooxdaas iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa meelo fara badan oo ay Al-shabaab ka talinaysay ku qabsaday dagaallo, inkastoo ay weli kooxdu ka taliso dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla.

Waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo in dowladda Somalia ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn helayso si ay ugu adeegsato dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya