4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2015
Ciidan Jabuuutiyaan ah oo Gaaray Guriceel iyo RW oo ku Wajahan Galguduud

Sabti, Maarso 07, 2015 (HOL) — Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qaarkood waxay gaareen degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo la filayo inuu maanta booqasho ku tago ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Xoogaga ka tirsan kuwa Ahluusunna ayaa la sheegay inay ciidankaas ka hor-istaageen inay gudaha u galaan degmadaas, inkastoo markii dambe ay aqbaleen inay gudaha u galaan degmada.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wateen gaadiidka ay ku rakiban yihiin qoryaha culus ee ciidamada; waxayna kasoo tageen duleedka degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay saldhig ku leeyihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid uu booqanayo maanta degmadaas oo ay dhawaan heshiis rasmi ah ku kala saxiixdeen Ahlusunna iyo dowladda oo bilihii lasoo dhaafay ay dagaallo ku dhexmarayeen.

Ciidamada ka socda Jabuuti ayaa waxay qayb ka noqon doonaan ciidamada ilaalin doona amniga degmadaas inta ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay ku joogaan booqashada. Iyadoo xoogagga Ahlusunana ay qayb ka noqonayaan kuwa amniga sugaya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia Sharma‘arke ayaa la filayaa inuu u sii gudbo dhinca degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, halkaasoo uu kulammo kula yeelan doono mas’uuliyiinta maamulka iyo sidoo kale xubnaha uu shirku uga socdo.

Booqashada ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa daba socota booqasho dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ku joogeen degmadaas wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini.

Si kastaba ha ahaatee, degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa waxay dagaallo ku dhexmarayeen bilihii lasoo dhaafay ciidammo ka tirsan kuwa DF Somalia iyo xoogagga Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo heshiis laga gaaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya