4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 6 , 2015
Maxkamad xukuntay Madaxweyne ku Xigeenkii Hore ee Puntland (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 06, 2015 (HOL) — Maxkamadeyn maalmihii lasoo dhaafay ka soconaysay duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa xukun ku ridday Jan. C/samad Cali Shire madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland iyo ciidamadiisii.

Xukunkan oo ay culumo kala duwan ay maalmihii lasoo dhaafay dacwadiisa qaadayeen ayaa waxay shaaciyeen in falkii ka dhacay magaaladda Taleex 28-kii Sebtanbar 2013-kii dhibaatooyinkii ka dhacay ay geysteen ciidamada Puntland, khasaarahaas oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo mid maal uu dusha u ridanayo mas’uuliyaddeeda Jen. C/samad.

Goobta dacwaddani ka dhacaysay oo ku taalla duleedka waqooyi ee degmada Taleex ayaan loo diiday inay saxaafada goobjoog ka ahaato, inkastoo gaba-gabadii warfidiyeenka loo sheegay xukunkii halkaas ka dhacay.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ku hadllayay afka guddiga nabadeynta ee degmada Taleex ayaa sheegay in xukunka goobtaasi ka dhacay uu ahaa mid aan wax xiriir la lahayn qabiil, mas’uuliyaddeedana la saaray Jen. C/samad Cali Shire iyo ciidamadiisii.

"Dadku si qaldan yaysan u fahmin xukunka maanta dhacay; sidaa darteed wixii dhacay maalintaas hadday tahay dadkii dhintay, kuwii dhaawaca iyo khasaanihii maaliyadeedba waxaa dusha laga saaaray. Jen. C/samad Cali Shire iyo ciidamdiisii," ayuu yiri Sheekh Siciid.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga nabadgalyada, Khadar Cali Jaamac ayaa isaguna gaba-gabadii sheegay in wixii dhiig ah loo saari doono guddi dhaqan; sidaasna ay maxkamaddu kusoo gaba-gabeysay.

Jen. C/samad Cali Shire oo goobta ku sugnaa kama keenin wax hadal ah xukunka wuxuuse HOL u sheegay inuusan diidanayn xukunka uuna ka hadli doono markay u haboonaato.

Dhincyadii uu dhexmaray waxay sheegeen inay ku qanceen iyadoo horeyna loo dhaariyay guddiyada labada dhinaca inay ku qanci doonaan xukunnada lasoo saaro; waase jira dad dhaliilsan siiqada hadalka loo dhigay, halka qaarna ay ku tilmaameen deg-deg inuu ku jiray xukunka loona baahnaa in la is-raaciyo wixii la kala tabanayay.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan hawsha ka taagan degmada Taleex mid ku soo dhamaantay xukunkan oo keliya, balse waa qayb ka mid ah, waxaana la rajeynayaa inay kasii socoto halkaas maadaama middii ugu horreysay lasoo gunaanaday.

Seynab Cabdi Shire, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool