4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 6 , 2015
Wasiirka Difaaca Somalia oo Booqday Dadkii ku Barakacay Dagaalkii Guriceel


Jimco, Maarso 06, 2015 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Somalia Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ayaa booqday maanta goobaha miyiga ah ee ay ku barakaceen dadkii colaadii degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ka cararay.

Goobaha uu wasiirku booqday ayaa qiyaastii 20-km u jira Guriceel isagoo ka dhageysatay warbixinno dadka shacabka ah ee barakacay, wuxuuna ballan-qaaday in dowladda Somalia ay intii awooddeeda ah gurmad u fidin doonto shacabka dhibaataysan, caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu iyagana ugu baqay inay soo caawiyaan dadka dhibaataysan kuwaasoo wax gargaar ah helin illaa hadda.

Barakacayaasha uu booqday wasiirka ayaa ku nool deegaannada Daahir Fito iyo Ceel-baraf, waxayna qaarkood uga mahadceliyeen wasiirka sida ay uga go’an tahay in nabad la helo; isla markaana ay guryahoodii ku laabtaan. Waxayna ka codsadeen in gurmad lala soo gaaro, dowladduna sidii nabad lagu heli lahaa ka shaqeyso.

Jen. Diini ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay shacabkii Guriceel inay ka soo cararaan guryahoodii, isagoo xusay in ujeedka ay gobolka u soo gaareen ah tahay sidii loo xalin lahaa colaadihii ka dhacay, isla markaana loosoo af-jari lahaa dagaallada ay dhiigga badani ku daateen.

“Imaanshaha aan maanta halkan idin kugu imid ahmiyad weyn ayuu annaga noo leeyahay, waana mid daba-socda nabadeyntii aan wadnay. Dhihbaatadii ina soo gaaray 24-kii sano ee lasoo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddii aan ALLE kaashanno una wada istaagno dadaalkaas. Ma jiro qof jecel inuu ku qaato noloshiisa halkan ay idin ku haysato biyo la’aan iyo gaajadu ay idin ku hayso. Dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo caalamkaba waxaan ugu baaqayaa in loosoo gurmado dadkan dhibaataysan,” ayuu yiri Jen. Diini.

Ugu dambayntii, Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa ugu baaqay kuwa wali u ooman inay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed inay ka waantoobaan, isla markaana lagu xisaabtami doono dadka caadaystay barakicinta dadka maatada ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya