4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 6 , 2015
DAACISH oo billowday in ay burburiso dhismihii Qadiimiga ahaa ee NIMRUUD


Jimco, Maarso 06, 2015 (HOL) — Mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa sheegay in kooxda la baxday dowladda Islaamiga ay isku dayayaan inay burburiyaan magaalo qadiimiga ah ee la yiraahdo Nimrud, iyagoo isticmaalaya baabuurta waaweyn ee wax lagu burburiyo.

Baabi'inta lagu burburiyo Nimrud waxaa durbadiiba la barbar dhigay dumintii daalibaan ay dumiyeen taalooyinka dhagxaanta ahaa ee bamiyan Budhaa ee dalka Afqanistaan sannadkii 2001-kii.

Sida ay sheegtay wasaarada Ciraaq u qaabilsan waxyaabaha qadiimiga ah, dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish ayaa magaaladaan qadiimka ah la soo galay baal-doosarro iyo qalab kale, iyagoo bilaabeen inay dumiyaan xaruntan qadiimiga ah.

Nimrud waxaa uu ahaa magac ay Carabtu markii dambe u bixiyeen magaalo qadiimka ah ee loo yaqiin Kalhu ee dadkii Asiiriyiinta oo la dhisay qarnigii 13-aad ee dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hor.

DAAWO: Dhismihii Qalcaddii Namruud oo ku Taalla Ciraaq
 

Magaaladu waxay ku fadhidaa dhul aad u ballaaran, welina ma kala cadda in gebi ahaan la burburinayo iyo in kale. Farshaxannada Nimrud oo ay ku jiraan dibiyo waaweyn oo laga qoray dhagax, waxay yaallan madxafyo ku yaalla caalamka oo dhan.

Farshaxannadan qaarkood waxaa lagu muujiyay video toddobaadkii hore ay kooxda ISIS soo bandhigtay; iyagoo burburinaya mad-xafka Mosul oo u dhow Nimrud, Daacish waxay sheegay in farshaxannadaas ay u dhigan yihiin asnaam oo kale.

Ugu dambeyn, burburinta ay ku qaadayaan waxaa si weyn loogu arkaa inay tahay isku-day lagu burburinayo taariikhidii dhaxalka ahayd ee Ciraaq iyo sidoo kale hanti qiima badan oo aan beddelkeeda la heli karin.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ISIS ayaa horay u burburiyay goobo kale oo taariikhi ahaa oo ku yaalla dalka Ciraaq, iyagoo sheegay in dalalka ay ka dagaalamayaan ee Ciraaq iyo Suuriya ay ka dhisayan dowlad Islaami ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya