4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 6 , 2015
Maamulka Degmada Badhan oo Qabtay kulan looga Hadlay Amniga G/Sanaag

Jimco, Maarso 06, 2015 (HOL) — Kulankan oo looga hadlayay is-badallada ammaanka ee gobolka Sanaag ayaa waxaa soo xaadiray inta badan madaxda maamulka,waxgarad iyo qaybaha kale ee bulshada Sanaag,kuwasi oo qaarkood ka kala yimid deegaanada hoos taga degmada Badhan.

“Adkeynta amniga ayaa ugu muhiimsanaa wixii shirka looga hadlay ,waayo gobolka waxaa baryahan ku soo badanayay kooxo amniga qal-qal ku haya “ ayuu yiri guddomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamud Ciyon oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Sida aad la socotaan waayahan danbe waxaan wadnay qorshe lagu dhiira-galinayo dad weynaha oo ah in ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay” ayuu mar kale yiri gudoomiye Ciyoon oo tilmaamay in ay jiraan dad arintaas ka dhaga adeygaya.

Waxaa kaloo uu sheegay guddoomiyaha in dhamaan dadkii ka soo qayb-galay shirka ay aqbaleen in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga ,isla markaana dalbaday in si wada jir ah looga hortago kooxo uu sheegay in amniga ay qal-qal galiyaan.

“Bulshada degmada waxaa looga baahan-yahay in ay digtooni muujiyaan si dhowna ula shaqeeyaan ciidamada degmada Badhan “ ayaa hadaladiisa kamid ahaa gudoomiyaha waxaana uu tilmaamay in Puntland ay mashaariic horumarineed ka bilaabayso gobolka Sanaag.

Ugu dambeyn, degmada Badhan oo ay kala xukumaan Puntland iyo Somaliland ayaa bar-yihii la soo dhaafay laga dareemayay xiisado dhinaca amniga ah ,waxaana shirkan uu ku soo beegmayaa xilli Puntland ay qorshaynayso dhismaha waddo laami ah oo isku xiri doonto gobollada Bari iyo Sanaag.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]