4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 6 , 2015
Kooxda Boko Haram oo dad badan ku dishay Deegaan ka tirsan Dalka Nigeria


Jimco, Maarso 06, 2015 (HOL) — Xoogagga kooxda Boko Haram ayaa 64-qof ku dilay deegaanka ka tirsan gobolka Borno ee dalka Nigeria, iyadoo qaar ka mid ah dadweynaha deegaanka ay sheegeen in malleeshiyada kooxdan ay rasaas ku fureen dadka deegaankaas ku noolaa.

Weerarkan ayaa dhacay horraantii Talaadadii lasoo dhaafay, balse sababaha warkan loo sheegi waayay ayaa lagu sheegay inay ahayd isgaarsiinta oo aad u xumayd.

Boko Haram ayaa la sheegay inay dileen kumannaan qof tan iyo markii ay ka billlaabeen dalka Nigeria kacdoonnada, iyadoo kooxdan ay sheegtay inay doonayso inay dalkaas oo dhan kusoo rogto maamul Islaami ah.

Deegaanka ay weerareen kooxdan ayaa lagu magacaabaa Njaba, waxaana la sheegayaa in weerarku uu dhacay kaddib salaaddii subax ee talaadadii aanu soo dhaafnay, sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah.

Faadumo Abaka oo ka mid ah dadka ku nool Njaba ayaa sheegtay in markii ay toogashadu billaabatay ay deegaanka oo dhan xaaladdiisu noqotay mid aad u kacsan, dadkuna ay kala yaaceen.

“Waxaan u cararay howdka. Welina ma arag ninkeygii iyo saddex ilmo ah oo aan dhalay,” ayay tiri Faadumo, iyadoo intaas ku dartay. “Waxaan kusoo laabtay deegaankeenii gellinkii dambe ee isla maalintaas, maydadka waxay daadsanaayeen meel walba.”

Haweeney kale oo goobjoog ah oo lagu magacaabo, Aminatu Mommodu oo la hadlay warbaahinta ayaa iyaduna sheegtay inay aragtay dad badan oo la dilay, kuwaaso qaarkood surka laga jaray, isla markaana yaalla bannaanka masjid deegaankooda ku yaalla.

“Dad kale oo deegaanka ka mid ah ayay xoogagga Boko Haram ku qabteen meel ku dhow masaajidka, kuwaasoo dhammaantood ay ku toogteen masaajidka bannaankiisa,” ayay tiri Aminatu.

Njaba oo ah deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa wuxuu 100-km dhinaca koonfureed kaga beegan yahay magaalada Maiduguri oo xarun u ah gobolka Borno ee dalka Nigeria.

Ibraahim Wagu oo ka mid ah dadka deegaanka Njaba ku noolaa yaa isaguna u sheegay warbaahinta in walaalkiis ka weyn iyo walaashiid ay dadkii lagu dilay deegaankooda ka mid yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamda xoogga Nigeria ayaa waxay dagaallo culus kula jiraan kooxda Boko Haram oo weli ka talisa deegaanno badan oo ka mid ah waddanka Nigeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya