4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 6 , 2015
Ciidamada Amniga dowladda oo heegan buuxa la geliyay baaritaannana wada


Jimco, Maarso 06, 2015 (HOL) — Wasaarada Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in heegan buuxa la geliyay ciidamada ammaanka, iyadoo howl gallo ballaaran ay ka socdeen qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan weerar ay qorsheynayaan in Al-shabaab ka fuliyaan Muqdisho.

“Ciidamada amniga heegan ayaa la geliyay, waxayna hay’adaha sirdoonku heleen xog ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheynayaan falal argagixiso inay ka fuliyaan Muqdisho,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada ay howlgallo dheeraad ah ka wadaan isgoysyada iyo xaafadaha Muqdisho, isagoo xusay in howlgalladu ay yihiin kuwo habeen iyo maalin socda.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri afhayeenku sheegay in ciidamada ay maalmihii lasoo dhaafay fashiliyeen weeraro ay Al-shabaab ka fulin lahayd Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka.

Ugu dambeyn, ciidamada nabadsugidda ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu daadiyay waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo baaraya gawaarida iyo dadka saaran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya