4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 6 , 2015
Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweyne Gaas oo Kulammo kawada Kismaayo

Jimco, Maarso 06, 2015 (HOL) — Wafdigii uu hogaaminayay madaxweeynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas oo maalintii afaraad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulamo gooni gooni ah la leh madaxda maamulka Jubbaland iyo odoyaasha dhaqanka Jubooyinka.

Xarumaha ay booqdeen

Madaxweeynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa shalay gelinkii danbe kormeeray xarumaha muhiimka ah ee maamulka sida, xarunta Caymiska oo ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah wasaaradaha maamulka, xarunta Smart Technology ee sameeysa aqoonsiyada sharciga ah iyo taarikooyinka gaadiidka iyo weliba xarunta rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ee JCCI, halkaasoo ay warbixinno kala duwan uga dhageysteen madaxda gacanta ku haysa xarumahaasi.

Kulamada labada dhinac

Madaxweeynaha Puntland iyo xubnihii golaha wasiirada ee wehlinayay ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxweeynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa iyo qaar kamid ah golaha wasiirada, iyadoo kulamadaasi intooda badan diirada lagu saarayay xiriirka labada maamul iyo weliba sidii uu u dhexmari lahaa iskaashi dhan walba ah.

Wasiirka madaxtooyada Puntland Maxamed Cabaas Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulamada labada maamul ay ahaayeen kuwo looga hadlayay dhowr arimood oo ay kamid yihiin ammaanka, iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga, Hiigsiga 2016 iyo weliba sidii labada maamul ay iska kaashadaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ammaanka magaalada inta uu wafdiga joogay


Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana magaalada ka howlgalaya ciidamo dhar cad iyo weliba kuwo booliska, kuwaasoo xaqiijinaya ammaanka, iyadoo xilliyada uu wafdiga Madaxweeyne Gaas booqanayo xarumaha muhiimka ah ee maamulka si kumeel gaar ah loo hakiyo isu socodka gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Waxa hadda ka socda xarunta madaxtooyada Kismaayo

Xarunta madaxtooyada kumeelgaarka ee maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa imika ka soconayo kulamo ay leeyihiin madaxda maamulka Jubbaland iyo wafdigii uu hogaaminayay madaxweeyne Gaas, iyadoo kulamadani ay dibad joog ka tahay saxaafadda, waxaana la filayaa in maanta uu wafdigu dib uga ambabaxo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya