4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Dowladda FS iyo Ahlusunna oo Heshiis ku kala saxiixday Guriceel (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Labadii dhinac ee ay dagaalladu ku dhex-marayeen degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis KMG ah oo ka kooban shan qodob, kaasoo gundhiggiisu yahay soo celinta nabadda iyo in la kala qaado ciidamada dagaalku dhexmaray, dadkuna ay guryahoodii dib ugu soo laabtaan.

Madasha heshiiskan lagu saxiixay ayaa waaxa goob-joog ka ahaa odayaasha deegaanka, ganacsato iyo qaybaha bulshada rayidka ah, waxana qodobbada heshiiska ee dhinacyadan u kala saxiixay wasiirka gaashaandhigga Somalia Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo wakiilka golaha fulinta ee Ahlusunna Wal-jamaca, Sheekh Maxamed Shaakir.

Qodobbada heshiiska ayaa waxay kala yihiin sidan soo socota:

1. Xabad-joojin rasmi ah oo ka hirgasha labada dhinac
2. In ciidamadii dagaalamay lagu kala qaado muddo afar maalmood ah
3. In la furo wadahadal muddo 10-casho gudahood ah oo ka billaabanaysa 05-ta Maarso oo ku beegan maanta si xal rasmi ah loo gaaro.
4. In labada ciidan ku kala ekaadaan Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, saanad IWM inta xal rasmi ah laga gaarayo.
5. In dib loogu soo celiyo magaalada shacabkii dagaallada ku barakacay

Wakiilka guddoomiyaha golaha fulinta Ahlusuna, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay dhankooda sheegay inay ka go’an tahay fulinta heshiiskan oo ah mid muhiim ah oo laguna gaari karo xal, isagoo ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay muujiyaan tanaasul si xal rasmi ah loo gaaro.

Dhanka kale, wasiirka difaaca Soomaaliya, Jen. Diini oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Somalia ee ku sugan deegaanka Guriceel ayaa u mahad-celiyay dhammaan dadkii dadaalka u galay howshan inay soo dhamaato oo qeybtii ugu horeysay maanta lasoo xiray, wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyay Ahlusunna Waljamaaca oo muddadii uu wadahadalku socday muujisay biseyl iyo ka go’naasho si xal looga gaaro dagaalkii dhacay.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in hannaankani uu tallaabo mihiim ah u yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa in deegaanka laga dhaqan-galiyo nabad iyo wada-noolaansho. iyadoo maanka lagu hayo mar walba inay jiri karaan caqabado marka nabad la raadinayo, balse taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa ay tahay wadatashi, wadahadal iyo gorgortan u dhexeeya gabi ahaan dhinacyada ay arrintu khusayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya