4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Haweeney Soomaaliyeed oo Abaal-marin lagu Guddoonsiiyay MN (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Xarunta howlaha Dumarka ee Augsburg Collage ayaa guddoonsiisay shahaado sharaf iyo aqoonsi geesinimo, Miski Cabdulle oo ah hooyo Soomaaliyeed oo wax badan u soo qabatay Jaaliyadda Soomaliyeed iyo dad kale oo jinsiyado kala duwan leh oo ku nool Minnesota.

Miski C/lle waxay ka shaqaysaa Pillsbury United Community oo ka mid ah hay'adaha ugu waaweeyn Minneapolis, MN, waxayna shaqadaan billowday sannadkii 1997-kii illaa hadda waa madaxa barnaamijyada ee Immigrant Women Advocacy Program at Brian Coyle Center. waxaa loo aqoonsaday in ay tahay haweeney geesiyad ah.

Shahaada sharaftan oo la baxiyo sannad walba bisha Maarso ayaa waxaa hirgalisay oo lagu maamuusaa qof dumar ah oo u soo halgantay arrimaha dumar, kana mid ahayd gabdhaha dadka madoow ee gobolka Minnesota.  ahna ruuxii ugu horreysay ee oo dumar madow ah oo ka noqotay safiirad u fadhida dowladda Mareykan Qaramada Midoobay, Susan Rice.

Hooyadan Soomaaliyeed ee Miski C/lle ayaa wax badan u soo qabatay dadka Soomaaliyeed iyo kuwo kale sida laga sheegay goobta aqoonsiga lagu siiyay.  Waxyaabaha ay qabato waxaa ka mid ah wacyi-gelinta iyo ka shaqeenta arrimaha sharciyada, guryaha, caafimaadka, socdaalka, barbaarinta ubadka si sax ah oo waafaqsan sharciyada gobolka Minnesota iyo dalka Mareykanka u yaalla.

Waxay xubin ka tahay guddiga haweenka ee Color of Women & Native American Women of MN, waxay kaloo xubin fircircoon ka tahay Allina Backyard Inititives of Minneapolis. Iyadoo dhanka kalena ah madax sare ka ah barnaamij wadahadalka dhallinta iyo waalid-diinta.

Dhanka kale, Miski Cabdulle waa hooyo Soomaaliyeeed oo leh afar ilmo ah, isla markana hadda noqotay ayeeyo iyadoo wali ka shaqeysa sidii ay dadka ku nool gobolka Minnesota u caawin lahayd.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay Janell Hobson oo haweenay macallimad ka ah jaamacadda gobolka New York; iyadoo qortay buugaag afar ah oo ay intooda badan uga hadasho arrimaha haweenka madow.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota