4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Dowladda Somalia oo Xir-xirtay Saraakiil Ciidan oo lala Xiriirinayo Al-shabaab


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amar lagu xirayo 12-sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo hadda la xiray sagaal ka mid ah saraakiisha amarka lagu bixiyay in la xiro.

Lama garanaya sababta loo xiray saraakiishan ciidamada dowladda Somalia ka tirsan oo ay ku jiraan jeneraallo iyo korneyllo, kuwaa la sheegay in loo haysto inay fududeeyeen qaraxii ka dhacay Hotel SYL oo ay degenayeen madax Turki ah oo horudhac u ahaa booqashadii madaxweynaha Turkiga uu ku tagay Muqdisho.

Warkan oo ay baahisay BBC-da ayaan lagu sheegin magacyada saraakiisha la xiray iyadoo dowladdu ay tan iyo markii uu dhacay weerarkii Hoteelka SYL ay wadday baaritaanno ku saabsan sidii ay u dhaceen qaraxyadan.

Qaraxii lagu weeraray Hotel SYL oo la sheegay inuu fuliyay ruux la sheegay in uu dalka dibaddiisa ka yimid ayaa wuxuu dhacay 22-kii Jannaayo 2015-kii, inkastoo khasaarihiisa uu aad u yaraa.

Ma jirto illaa hada war rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dowladda Somalia, waxaase ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay dowladda u xir-xirto saraakiil ciidan in ay fududeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee, weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, iyadoo hadda uu socdo baaritaanka qaraxyo ismiidaamin ahaa oo bishii lasoo dhaafay lagu qaaday Hotel Central, kaasoo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, waxaana weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya