4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
SAWIRRO: Diyaarad ay leedahay Dowlada Turkiga oo ku dhacday Dalka Nepal


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa A330 oo ay saarnaayeen 227 qof oo rakaab ah iyo 11 shaqaalihii diyaaradda ah ayaa ku burburtay magaalada Kahtmandu ee xarunta dalka Nepal, kaddib markii ay ka duushay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Duulimaadka diyaaradda oo ahaa TK-726 ayaa la kulantay hawada oo xun, maadaama lagu jiro xilliga qaboobaha ee dalka Nepal, taasoo sababtay inay ka baxdo waddada diyaaraduhu ay ku cararaan ee garoonka diyaradaha dalka Nepal.

Rakaabkii boqolaalka qof ahaa ee diyaarada saarnaa ayaa loo sheegay inay ka dib dhaceen xilligii ay tegi lahaayeen caasimadda dalka Nepal muddo 90-daqiiqo ah, iyadoo duuliyuhu uu rakaabka ku wargeliyay inaysan wel-welin.

Duuliyaha diyaaradda ayaa dhowr jeer isku dayay inuu diyaaradda ku dajiyo garoonka Tri-bhuwan ee magaalada Kathmandu, iyadoo garoonka uu xilligaa ku da’ayay roob badan oo cayryaamo watay.

Ugu dambeyn, duuliyaha diyaaradda ayaa ku dhiiraday inuu ku dajiyo diyaarada garoonka, balse diyaaradda ayaa ka baxday waddada ay ku cararaan diyaaradaha, iyadoo diyaaradda uu gaaray burbur xooggan.

Illaa hadda lama sheegin cid wax ku noqotay diyaaradda, iyadoo dhammaan rakaabkii ay waday diyaaradda la xaqiijiyay in si nabadgelyo leh looga dajiyay burburka diyaaraddan ay lahayd dowladda Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya