4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Khilaaf soo dhexgalay guddiga Maamul sameynta gobollada dhexe ee Somalia


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa waxay sheegaya inuu khilaaf soo dhex-galay guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa imaanaya iyadoo uu dib u dhac ku yimid shirka maamulkan lagu dhisayo oo lagu qaban lahaa degmada Cadaado, iyadoo xubnaha shirku uga socdo Dhuuso-mareeb ay sheegeen inay xilli dheeraad ah ku darsadeen shirkooda oo ah mid dib u heshiisiin ah.

Madaxa guddiga amniga ee maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo Mudug, Cawke Xaaji C/raxmaan ayaa eedeyn u jeediyay guddoonka sare ee guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia, isagoo sheegay inay mas’uul ka yihiin dib u dhaca ku yimid shirka Cadaado.

“Waxaan doonayaa inaan halkaan ka sheego in guddiga farsamada ee dhisidda maamulka gobollada dhexe uu mas’uul ka yahay dib u dhaca ku yimid shirka Cadaado, waxaan kaloo intaas u raacinayaa inay Alle ka baqaan oo aydan ka noqon hormuud burburka dhismaha maamulka gobollada dhexe,” ayuu yiri Cowke Xaaji.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa xusay in guddiga farsamada ay howshoodu ku eg-tahay dib-u-heshiisiin oo aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda la doonayo in maamulkan lagu dhiso, isagoo xusay inay ogaadaan haddii ay faraha la galaan howl aanay shaqo ku lahayn inay la kulmayaan ciqaab Alle.

“Inaan qayb ka noqonno khilaafyada jira ceeb weyn ayay nagu tahay, maxaa yeelay inay waxay ahayd inaan halkan nimaanno inagoo isku xiran, si aanan u carqaladeyn shirka lagu dhisayo maamulka, haddii kale shacabku waxay dooranayaan guddi kale,” ayuu hadalkiisa ku daray Cowke.

Si kastaba ha ahaatee, shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer ku yimid dib u dhac, iyadoo aysan illaa hada jirin xili lagu balamay in la qabto shirka siyaasadda ee la filayo inuu ka dhaco Cadaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya