4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
DAAWO: Biixi oo Wafdigii DFS ee Turkiga ku Tilmaamay Gacan-ku-dhiiglayaal

Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku tilmaamay xubnihii wafdigii ay dowladda Somalia u dirtay ka qaybgalka wadahadalladii Dalka Turkiga ayaa ku tilmaamay xubno ka mid ah wafdiga gacan-ku-dhiig-layaal.

Xubnaha wafdigii Somaliland ayaa shalay shalay dib ugu laabtay Hargeysa kaddib markii ay burbureen wadahadalladii ay Istanbul ku yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Isagoo Biixi uu ka sheegay xaflad lagu soo dhaweynayay hadal la yaab leh.

“Lama fariisanayno dad reer Somaliland ah, kuwaas waxaan u naqaannaa in ay yihiin dam-biilayaal, dad caynkaas ah oo gacan-ku-dhiiglayaal ahna lama fariisanayno,” ayuu Biixi ka yiri xafladda lagu soo dhaweynayay wafdiga.

Wasiirku ma sheegin magacyada shaqsiyaadka uu gacan-ku-dhiig-layaasha ku tilmaamay; isagoo hadalkiisa ku daray - Kii hawada iyo kii kaleba lama aanan fariisan.

DAAWO: HADALKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND  
Sidoo kale, Biixi oo sii hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka Somalia ay horay ugu sheegeen inaysan kusoo darin wafdigeeda xubno kazoo jeeda Somaliland, wuxuuna xusay in iyadoo og go’aankeenaas ay kusoo dartay wafdigeeda shan ruux oo reer Somaliland ah, waanan diidnay inaan hor-fariisanno.

“Waxaa naga go’an Somaliland ahaan inaanan ka laaban go’aankii aan horay u gaarnay ee ahaa madax-bannaanideennna, dhowr jeer oo horayna waanu ka dhawaajinnay,” ayuu ku daray hadalkiisa Biixi.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale xusay inay kula soo laabteen Hargeysa guul weyn oo ay Somaliland leedahay, maadaama aysan la fariisan sida uu yiri xubno gacan-ku-dhiig-layaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wafdigii ka socday dhinaca Somaliland ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin fashilkii wadahadalkii Turkiga lagu qaban lahaa, iyadoo dowladdu ay sheegtay inay diyaar u tahay inay wadahadalladu sii socdaan shuruud la’aan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya