4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Ganacsato Somali ah oo lagu boobay K/Afrika oo dib u Furay Ganacsiyadoodii


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan boob loogu geystay deegaanno ka tirsan magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika ayaa dib u billaabay ganacsigoodii.

Wadahadallo qaatay dhowr casho una dhaxeeyay jaaliyadda Somalida iyo mas’uuliyiin ka tirsan booliiska xaafada Philippi iyo guddi dadka ku nool deegaankaas ayaa ugu dambeyn waxaaa la isla gartay in Soomaalidu ay dib ugu soo laaban karaan goobahii ganacsiga ee laga boobay todobaadkii hore.

Boobka loo geystay Ganacsatada Soomaalida ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan deegaanka Philippi, iyadoo weli lagu arkayo raadad ay deegaanadaas ku reebeen boobkii iyo burburkii loo geystay dukaamada Soomaalida ay ku leeyihiin deegaannadaas.

Zakariye Maxamed Maxamuud oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku lahaa deegaanka Philippi ayaa 24-kii bishii Feberaayo ee sannadkan ka badbaaday dab la qabadsiiyay dukaankiisa intii rabshaduhu ay ka socdeen deegaannadaas.

“Xilli maqrib ay ah ayaa mar qura waxaan arkay dad badan oo kusoo yaacay dukaankayga, kaddib waxaan isku daynay inaan ka baxno, balse dab ayay ku shideen dukaanka, Allena waa iga badbaadiyay, hantidii ku jirtayna wax ka haray ma jirin,” ayuu yiri Zakariye oo warbaahinta kula hadlay Philippi.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka ku nool deegaankaas ayaa u sheegay warbaahinta inay ku faraxsan yihiin inay dib u soo laabtaan ganacsiyadii Soomaalida, iyagoo xusay in xilliyadii ay xirnaayeen ay dhibaato kala kulmeen helidda adeegyadii aasaasiga ah ee ay dukaamada Soomaalida ka iibsan jireen.

Dhanka kale, Cabdi Calas Maxamuud oo ka mid ah koox ka shaqeeya sidii loo ilaalin lahaa amniga Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa sheegay in arrintan ay ku timid dadaal dheer oo ay galeen sidii dib loogu soo celin lahaa ganacsiga Soomaalida, isla markaana ay ka shaqeeyeen xal u helidda dhibaatadii kala gaartay Soomaalida iyo shacabka Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, xaalada deegaannada hoos-yimaada Philippi ee magaalada Cape-town ayaa deggen, iyadoo hadda laga dareemayo dhaqdhaqaaq ay dib ugu soo celinayaan Soomaalida ganacsiyadooda kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya