4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Xukuumadda Talyaaniga oo gaadiid ciidan ku wareejisay Somalia (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Munaasabad maanta lagu qabtay dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxay dowladda Talyaanigu gaadiidka ciidamada ku wareejisay ciidamada dowladda Somalia, iyadoo xafladda ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Gawaaridan oo tiradoodu gaarayso 54-gaari ayaa la sheegay inay yihiin kuwo loogu talo-galay ciidamada booliiska, milageriga iyo sirdoonka; waxaana goobta ka hadlay, Bernando Mencaraglia oo ka socday wasaaarada gaashandhiga Talyaaniga, isagoo sheegay in arintan ay qayb ka tahay fulinta ballan-qaadyo ay dowladda Talyaanigu horay ugu sameysay Somalia.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa uga mahad-celiyay dowladda Talyaaniga, isgaoo xusay in taageerada ay siiso ciidamada xoogga Soomaaliya ay qayb weyn ka qaadanayso sidii dib loogu dhisi lahaa.

“Dowladda Taliyaaniga waxaan uga mahad-celinaynaa taageerada joogtada ah ee ay la garab-taagan tahay ciidamada Somalia, runtiina tani waxay qayb ka qaadanaysaa dib u dhiska ciidamadeenna qalabka sida,” ayuu yiri Jen. Daahir Indho-qarshe.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda Taliyaaniga ay gaadiid ciidan ku wareejiso ciidamada dowladda Somalia, iyadoo Talyaaniga ay xilliga dalka ka joogaan ciidammo milateriga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya