4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Muqdisho oo lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigay buugaag (Sawirro)


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigayay buugaag kala duwan oo uu qoray Qoraaga Soomaaliyeed ee Sheekh C/raxmaan Xuseen (Abu-Xamza), xafladdaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay naadiga hal-abuulka iyo qalin-maalka Somalia ee PEN; laantiisa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xafladda oo lagu qabtay Hotel Hayat ayaa waxaa hadallo ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa qoraaga buugaagta Sh. Abuu-Xamza, iyadoo goobta la sheegay inuu ku dhashay bariga magaalada Hargeysa sannadkii 1936-dii.

Guddoomiyaha naadiga PEN ee laanta Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, C/naasir Yuusuf Macallin (Ganey) oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay in 40-sano uu ku howlanaa Sheekh C/raxmaan Abu-Xamza qoraalka buugaagta maanta lasoo bandhigayo.

“Sheekh C/raxmaan Abuu-Xamza wuxuu ku dhashay sannadkii 1936-kii bariga magaalada Hargeysa, wuxuuna waxbarashadiisii ku qaatay dalka Sucuudiga, isagoo markii uu dalka kusoo laabtayna howlo kala duwan oo hay'adaha garsoorka dalka,” ayuu yiri Ganey.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Abu-Xamza uu sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyintii hay’adda Raadida Caalamka Islaamka xafiiskeeda Somalia ka shaqeynayay illaa sannadkii 2003-dii.

Buugaagta oo dhammaantood ku qornaa afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ahaa; Saaxiibbo Kasbo; Hogaamiye, Isirka Soomaalida, Somalia Today, Sanadihii Abaaraha; Afartan Xadiis, Dhaaf Walbahaarka, Aasaaska Islaamka iyo kuwo kale oo fara badan.

Intaas kaddib waxaa isna ka hadlay munaasabadda Sheekh C/raxmaan Abuu-Xamza oo ka sheekeeyay qoraalka buugaagta maanta lasoo bandhigay, isagoo sheegay in muddo 40-sano ah uu ku howlanaa qoraalka buugaagtan, si uu fikirka Soomaalida wax ugu biiriyo.

“Dadaal badan ayaan geliyay sidii aan buugaagtan ku qori lahaa, kaddib markii aan arkay in Somalidu aysan fikir badan ka haysan buugaagta aan qoray ee maanta lasoo bandhigayo. Waxaa ka mid ah buugga caanka ah ee Saaxiibbo kasbo oo aan Af-Soomaali ku tarjumay, kaddib markii aan anigu ku qancay, kaasoo dadweynaha tusaya buu yiri sidii ay saaxiibbo u kasban lahaayeen iyo weliba dariiqyadii ay u mari lahaayeen,” ayuu yiri Abuu-Xamza.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in buugaagta uu turjumay ay ka mid yihiin bug kale oo lagu magacaabo; Dhaaf Walbahaarka, kaasoo uu ku sheegay in uu yahay mid daweynaya caqabadaha qofka lasoo darsa inta uu nool yahay; sida walbahaarka haya iyo sidii uu xal ugu heli lahaa.

Dhanka kale, waxaa munaasabadda ka hadlay mas’uuliyiin kale oo si aad ah u bogaadiyay buugaagta, iyagoo sheegay inay buugaagtan qaarkood akhriyeen ayna ku qanceen. Iyadoo gabar Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah ay goobta ka jeedisay gabay ay kula dardaarmaysay Soomaalida sidii ay dhibka uga bixi lahaayeen.

Ugu dambeyn, Sh. C/raxmaan Abuu-Xamza ayaa qaar ka mid ah kasoo qayb-galayaashii xafladda qaarkood guddoonsiiyay buugaagtii lagu soo bandhigay munaasabaddii  maanta lagu qabtay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya