4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
MINNESOTA: Shirar lagu xoojinayo shirka Maamul sameynta Gobollada dhexe


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Bulshada ka soo jeedda Gobolada Dhexe ee ku nool woqooyiga America, gaar ahaan magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay wadeen olole lagu xoojinayo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, kaas oo dhawaan ka furmi doona magaaladda Cadaado ee gobolka Gal-guduud.

Shir ay iskugu yimaadeen odyadayaasha iyo waxgaradka deegaannadaas oo lagu qabtay xarunta Sabathani ee magaaladda Minneapolis ayay ku go'aansadeen in laga heshiiyo dhammaan wixii dhibaato ah oo ka dhacay dadka deegaankaas, isla markaana la furo bog cusub oo nabadeen.

Ka soo qeyb galayaashii shirkan ayaa sidoo kale baaq nabadeen u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya magaaladda Guriceel, waxayna ka codsadeen in wada hadal lagu xalliyo wixii la kala tabanaayo.

"Dagaal wiil ayaa ku dhintay ee wiil kuma dhasho, waxaan khasaare ahayna lagama helo," ayuu yiri Ugaas Maxamed Cusmaan Shuuke.

Ugaas Yuusuf Xassan ayaa isna ka hadlay muhiimada ay leedahay midnimada iyo xasilinta gobolada dhexe, wuxuuna sheegay in taageero dhinac kasta ay la garab istaagayaan Shirka Cadadaado iyo shirka dib u heshiisiinta oo isna ka socda magaaldda Dhuusomareeb.

Jaaliyadda ayaa sidoo kale waxay dowladda Federalka ka codsatay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya gobolada dhexe islamarkaana madaxda dowladda Soomaaliya ay dar-dar galiyaan howlaha maamul u sameynta deegaankaas.

Waxaa kaloo iyaguna kulankaas ka hadlay Xaaji Maxamuud siyaad, Cabdi Xaashi, Raaxo Warsame, C/kariin Daahir, Cali Siyaad Geedi, Daahir Diiriye Cali, C/llahi Cali Cawaale, Waris Cusmaan  Suudi, Wiilo sheekhdoon, Aweys Khaliif siyaad, Cusmaan Siyaas Nuur, Khaliif Cali Shire iyo Abshir Geedi.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota