4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Heshiis Hordhac ah oo laga Gaaray Colaadihii Ragaadiyay Magaalada Guriceel


Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, ayaa sheegay in dadaallo dheeeraad ah oo loo galay joojinta dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunna kadib labada dhinac gaareen hishiis hor dhac ah oo u gogol xaaraya dhameynta wixii khilaaf ah ee jira.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay degmada ku sugnaa wasiirrka wasaarrada difaaca xukuumada Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulamo kala duwan la qaatay mudadii uu halkaa ku sugnaa saraakiisha ciidammada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, isaga oo kala hadllay in colaada nabad lagu badallo.

Saacadaha soo socda ayaa la fillayaa in la shaaciyo qodobada lagu hishiiyay, kaddibna xubno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca ku biiraan madasha dib-u-hishiisiinta ee degmada Dhuusa-mareeb.

Dagaallo marar badan iska soo daba-noqday oo bishii aynu soo dhaafnay dhaxmaray ciidammada dowladda iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaaraya 35 ruux oo badnaa dhinacyadii dagaallamay.

Dagaallada ka dhacay degmada Guri-ceel ayaa noqonaya kuwii ugu waqtiga dheeraad ee dhaxmaray ciidammo ka tirsan dowladda Somalia iyo ahlusunna Waljameeca marka laga soo tago dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya