4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Kismaayo oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Wafdiga Gaas (Sawirro)

Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Xafladan oo ahayd mid si heersare loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeybgaleen madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubba, odoyaasha dhaqanka Jubooyinka, ururrada Haweenka, dhalinyarada iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo.

Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo lagu soo dhaweeynayay wafdigii uu hogaaminayay madaxweeyne C/weli Max’ed Cali Gaas, iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay Majaajijo, ciyaaraha kala duwan ee hidaha iyo dhaqanka, Gabayo iyo weliba heeso wadani ah.

Madaxda maamulka iyo odoyaashii dhaqanka ee madasha ka hadlay ayaa dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyay wafdigan ballaaran ee ka yimid Puntland, iyagoo uga mahadceliyay maamulka Puntland taageerada uu siiyo maamulka iyo shacabka deegaanada Jubooyika.

Madaxweeynaha Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay kamid ahayd aasaaseyaashii Jubbaland, waxa uuna sheegay in ay marwalba ka filayaan dowladda Puntland in ay ku caawiso waayo aragnimadooda dhanka maamulka, isagoo sheegay in Puntland tahay hooyada maamul goboleedyaa Soomaaliya.

Madaxweeynaha Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ula dhaceen sida loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo sheegay in marwalba ay taageero la garab taaganyihiin shacabka iyo maamulka Jubbaland.

Madaxweeynaha ayaa xusay in madaxda Jubbaland ay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweeynaha Puntland ayaa intii uu joogay kulamo kala duwan la qaatay madaxda maamulka Jubbaland, waxyaalaha ay ilaa imika ka wada hadleenna waxaa ugu muhiimsan dhinacyada ammaanka, ganacsi iyo hiigsiga sanadda 2016, waxaana la filayaa in wafdiga inta uu joogo uu booqan doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya