4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Wiil ay Walaalo yihiin Sh. Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho lagu dhaawacay

Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Nin ay walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa ku weerarey meel u dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Ninka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Axmad kuna magac dheer (Ubba) wuxuu la shaqeynayey hay'adaha samafalka ee Turkiga isagoo dhowaan dalka dib ugu soo laabtey.

Qaar kamid ah eheladiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, xiliganna lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada Turkiga.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa labo asbuuc kadib markii Shariif Sheekh Axmed oo BBC-da la hadley sheegay in Al-shabaab kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah maadaama awoodeedii la wiiqey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdullaahi Sheekh Axmad (Ubba) ayaa muddadii uu walaalkiis dalka madaxweynaha ka ahaa wuxuu ku noolaa wadanka Koonfur Afrika.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya