4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2015
Danjiraha Maraykanka ee Dalka Koonfurta Kuuriya oo Lagu Dhaawacay Middi

Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) — Dhaawac ayaa soo gaarey
Mark Lippert oo ah danjiraha dowladda Maraykanka u jooga magaalada Seoul ee xarunta dalka Koonfur Kuuriya, kadib markii mindi lagu weerarey.

Telefishinka YTN ee fadhigiisu yahay Koonfur Kuuriya ayaa soo tebiyey in danjiraha oo ku sugnaa goob isaga iyo diblumaasiyiin kale ku quraacanayeen, si kedis ah uu kusoo  weeraray nin mindi ku hubeysan, kana dhaawacay wajiga iyo gacanta bidix.

Ninka weerarka geystey oo lagu magacaabo Kim Ki-jong da'diisuna 55jir tahay, wuxuu ka tirsan yahay dadka sida weyn ugu ololeeya in labada Kuuriya dib u midoobaan. Sanadkii 2010 ayey ahayd markii isla ninkani dhagax ku tuurey safiirka Japan u fadhiya Seoul.

Dhaawaca danjiraha ayaa ah mid fudud sida laamaha caafimaadku xaqiijiyeen. Madaxweyne Obamaha oo falkan cambaareeyey ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey Danjire Mark Lippert.

Sidoo kale waxaa falkaas si kulul u cambaareysey Madaxweynaha Koonfur Kuuriya Park Guen-hye, iyadoo ku tilmaantey inuu yahay isku day la doonayo in lagu carqaladeeyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Washington iyo Seoul.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii u dambeeyey dowladaha Maraykanka iyo Koofur Kuuriya si wadajir ah isula wadeen dhoollatus militeri.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya