4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2015
Heshiiskii ay Wada Gaareen Mucaaradka iyo Dowladda K/Sudan oo Fashilmay
Image
Khamiis, Maarso 05, 2015 (HOL) —Iyadoo muddo koobani ka harsan tahay waqtigii Midowga Afrika u qabtey in mucaaradka iyo dowladda Koonfurta Sudan ay heshiis rasmi ah  ku gaaraan, ayaa waxaa jira khilaaf hor leh oo labada dhinac soo kala dhex galay.

Dowladda Madaxweyne Salva Kiir iyo mucaaradka uu hoggaamiyo Riek Machar ayaa isku mari la' qaabka loo dhaqan gelinayo heshiis awood qaybsi ku saleysan oo bishii hore ee February labada dhinac magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen.

Heshiiskaas oo urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika dabada ka riixayeen, waxaa qodobadiisa ugu muhiimsanaa:

  • In Madaxweyne Salva Kiir xilka sii hayo.
  • In Riek Machar loo soo magacaabo madaxweyne ku-xigeen.
  • In awooda loo qaybiyo sidan: 60% dowlada hada talada haysa, 30% mucaaradka uu Riek Machar hoggaamiyo iyo tobanka haray oo la siinayo axsaabta kale iyo maxaabiista siyaasadeed ee dhowaanta la sii daayey.
  • In la soo dhiso xukuumad madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenku xubno ka yihiin.
  • In Barlamanka oo hada ka kooban 332 xildhibaan laga dhigo 400 oo xildhibaan.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Talaado ahayd meel mariyey qaraar cuna-qabateyn dhanka dhaqaalaha iyo weliba safarka ah lagu saarayo shaqsiyaadka loo aqoonsado inay heshiiskii Addis Ababa jebiyeen caqabadna ku yihiin dadaallada nabadeynta.

Boqollaal qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan labo milyan oo kalena way ku barakaceen dagaallo ka bilowday Koonfurta Sudan December 2013, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad ka amar qaata madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar oo isaga lagu soo eedeeyey inuu mas'uul ka ahaa afgembi dhicisoobay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya