4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Saddex qof oo loo xiray hanjabaad la xiriirta weerarrada ganacsiyada Canada


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Booliiska Canada ayaa saddex qof oo kala ahaa laba rag ah iyo haweeney u xiray shaki la xiriira weerar la damacsanaa in lagu qaado Mac Mic Mall oo ku yaalla deegaanka Halifax oo ku taalla meel ku dhow magaalada Dartmouth.

Howlgalka lagu xiray saddexdan qof ayaa yimid kaddib la adkeeyay amaanka goobaha ganacsiga ee dalka Canada, kaddib markii bishii la soo dhaafay ay ku hanajbtay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya inay weerarayso goobaha laga dukaameysto ee ku yaalla dalalka Canada, Mareykanka iyo Britain.

Sarkaal ka tirsan booliiska Halifax oo lagu magacaabo, Pierre Bourdages oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in booliis badn la geeyay Mac Mic Mall ee Halifax oo Dartmouth ku dhow, kaaso loo xiray cabsi laga qabo in weerarro argagaxiso lagu soo qaado, balse aanay jirin khatar muuqata.

Bourdages wuxuu intaas ku daray in guri looga shakisan yahay inay xubnno hubeysan ku nool yihiin oo ku yaalla deegaanka la weerary, balse kooxihii la tuhunsanaa laga waayay, isagoo xusay in laga helay hub fudud.

“Muddo yar kaddib ayay ciidamada amnigu weerareen guri ku yaal qayb kale oo Halifax ka tirsan, waxaana laga soo qabtay saddex qof oo kala ahaa laba nin iyo qof dumar ah, xabsiga ayaana loo taxaabay,” ayuu Pierre mar kale u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, booliiska ayaa sheegay inay in baaritaanno dheeraad ahaa oo la sameeyay lagu ogaaday inaysan jirin khatar weyn oo ku wajahan dhismahan ganacsi ee laga dukaamaysto.

Al-shabaab ayaa cajalad ay baabisay bishii Feberaayo ee sanadkan waxay ku sheegtay inay weerarayso suuqyada ganacsiga ee kala ah Mall of America oo gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, West Edmonton Mall oo Canada ku yaalla iyo suuqyo ku yaalla jidka muhiimka ah ee Oxford Street ee London oo Britain ah.

Bishii lasoo dhaafay ayay ciidamada amniga Canada waxay ku xireen Halifax haweeney Mareykan ah iyo nin Canada u dhashay oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen qorshe la doonayay in lagu beegsado shacab xusayay maalinta jacaylka adduunka ee Valentine Day.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya