4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Galguduud oo lagu Qabtay xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal ay maanta ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galguduud ka tirsan, iyagoo gacanta kusoo dhigay xubno la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan Ceel-buur, Col. Maxamuud Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada is-garabsanaya ay deegaanno ka tirsan degmada howlgallo ka sameeyeen, kuwaasoo ay kusoo qabteen sadex qof oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay inay soo rareen qoysas badan oo lagu qal-qal-gelinayay xilliyada habeenkii ah deegaanadii ay ciidamadu howlgallada ka sameeyeen, iyagoo soo raray sida uu sheegay qoysaskan oo Al-shabaab ay dhibaato ku haysay.

“Markii aan u adkeysan waynay handadaadda xilli walba lagu hayo dadweyne ku dhaqnaa deegaanno hoos-yimaada degmada Ceel-buur, waxaan go’aansannay in dadkaas aan soo rarno, kuwo kale oo ku haray deegaanka ayaana iyagana soo rari doonnaa dhawaan,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay uga digay shacabka ku dhaqan degmada Ceel-buur ee gobalka Galgaduud inay qaataan raashiinka gargaarka ah ee dowladdu ay ugu deeqday shacabka deegaannadaas ku nool.

Ciidamada AMISOM ka tirsan ee howlgalka qaybta ka ahaa ayaa ah kuwo ka socda dalka Itoobiya, iyadoo la sheegay inaysan dhicin wax iska horimaadyo ah intii ay howlgallada socdeen.

Ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan qabashada uu sarkaalka dowladda Soomaaliya ka tirsan sheegay inay qabteen saddex xubnood oo xoogaggooda ka tirsan iyo weliba qoysaska la soo raray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya