4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Go’aamo laga soo saaray dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka Somaliland


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland - WADDANI iyo UCID iyo Madasha wadatashiga ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Hargeysa kaga hadlay mawqifkooda ku aaddan doorashada iyo arrimaha siyaasadeed Somaliland.

Shirkan oo maalmahan u socday ayaa laga soo saaray bayaan ay ku wada saxeexan yihiin, kuwaasi si adag uga hadlay in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo haddii wakhtigeedda doorasho ku qaban waydo.

Labadda xisbi mucaarad iyo madasha wadashiga ayaa soo saaray Qodobbadan;

1. Waxaanu u aragnaa inay waajib tahay in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigoodii ahaa 26-06-2015.

2. Waxaanu caddaynaynaa inaanay Xukumaddu wax cudur daar ah u hayn dib u dhac kasta oo doorashada ku yimaada, dalkana kama jiraan duruufaha Sharcigu sheegay, sida nabadgalyo darro,Cudur, Aafo, Dhul gariir iyo wixii la mid ah Illaahay inaguma keenee.

3. Waxaanu Komishanka doorashada u soo jeedinaynaa inay si dhakhso ah u soo saaraan jadwalka doorashada oo wakhtiyaysan(Road map).

4. Waxaanu caddaynaynaa in haddii doorashooyinka lagu qaban waayo wakhtiga aanu kor ku soo xusnay aanan Aqoonsan doonin Xukumadda Siilaanyo iyo Golaha wakiiladaba, wixii 26-06-2015 ka dambeeyana aanay ku joogi doonin Sharci.

5. Waxaanu soo jeedinaynaa in la kala diro labada gole ee xukuumadda SL iyo wakiillada maadaama ay gabeen xilkii saarnaa, islamarkaana hor istaageen dariiqii Dimuqraadiyadda iyo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

6. Sidoo kale waxaanu uga digaynaa Golaha guurtidu inuu sameeyo xadgudub sharci iyo Muddo kordhin ku timaada xil gudasho la’aanta Xukumadda, iyagoo haba yaraatee dalka aanay ka jirin duruufihii dastuurku sheegay, haddii arintaas la sameeyana waxaa ka dhalan doona Qas iyo dib u dhac.

7. Annagoo ka duulayna heshiisyadii labada Xisbi Mucaarad iyo Madashu hore u wada galeen waxaanu guddi u saarnay ka soo talo bixinta Wixii laga yeeli lahaa 26-ka June haddii doorasho qabsoomi waydo.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu shaacinayo go’aanadda waxa goobjoog ka ahaa madaxda sarsare ee xisbiyadda mucaaradka iyo Madasha wadashiga iyo Taageerayaashoodda.

Guddida Doorashooyinka ayaa xalay shir la yeeshay xisbiyadda mucaaradka, kaasi oo kaga hadlayeen arrimaha Doorahooyinka, haseyeeshee wax war ah kama bixin kulankaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland