4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Wadahadallo Degmada Kismaayo uga furmay Maamulada Puntland iyo Jubba


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Wadahadalo ayaa maanta waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay uga furmeen maanta maamullada Puntland iyo Jubba, iyadoo wadahadalladan goobjoog ka ah madaxweynayaasha labada maamul, Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe.

Labada maamul ayaa kulankoodan diiradda ku saaraya Hiigsiga 2016-ka ee la doonaayo in Soomaaliya ay doorasho uga dhacdo, doorashadaas oo noqon doona tii ugu horreysay oo Somalia ka dhacda muddo 47-sano ah.

Kulankan ayaa daba-socda kulan bishii Jannaayo ay Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka iyo madaxda dowladda dhexe ee Somalia, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen Sheekh Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas.

Sidoo kale, maamullada ayaa kulankooda uga hadli doona qaabka ciidamada xoogga dalka lagu mideyn lahaa, kaasoo qayb ka ah qodobadii looga hadlay shirkii Muqdisho, iyadoo la doonayo in hirgelinta arrintan ay dhacdo ka hor inta aan la gaarin sannadka 2016-ka.

Wararka ayaa intaas ku daray in maamullada Jubba iyo Puntland ay shirkan kaga hadli doonaan iskaashiga dhanka amniga iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa Al-shabaab oo amniga labada maamulba caqabad ku ah, iyadoo labadan maamul aysan wadaagin xuduud.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku tagay shalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo sidoo kale booqday dekedda Kismaayo oo ay howlo ka socdeen.

Ugu dambeyn, wafdiga Puntland ayaa ku sugnaan doona Kismaayo muddo sadex casho ah, iyagoo muddadaas kulammo kala duwan la yeelanaya madaxda maamulka KMG-ka ah ee Jubbaland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya