4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Prof. Jawaari oo Xildhibaano kula kulmay Baarlamanka Jarmalka (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari & guddoomiye ku xigeenkiisa labaad, Mahad C/lla Cawad oo ku sugnaa dalka Jarmalka ayaa maanta ku tagay booqasho taariikhi ah xarunta baarlamanka Jarmalka, halkaasoo ay kulammo kula qaateen guddoonka baarlamaanka Jarmalka.

Labada dhinac ayaa waxay yeesheen kulan saacaddo qaatay oo ay kaga hadleen sidii xiriir adag iyo iskaashi ay u yeelan lahaayeen baarlamaannada Soomaaliya iyo Jarmalka, iyagoo isku waafaqay inay wada-shaqeyni dhex-marto.

Sidoo kale, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa si gaar ah kulan ula qaatay guddiga baarlamaanka Jarmalka u qaabilsan arrimaha bariga Afrika oo ka kooban 36 xildhibaan, iyadoo goobta ka ballanqaaday inay dhisayaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya xiriirka iyo wada-shaqeynta labada baarlamaan.

Wafdiga uu hogaaminayo afhayeenka baarlamaanka Somalia ayaa dhinaca kale la kulmay madaxa xafiiska arrimaha dibadda ee Afrika, iyagoo kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerrada iyo iskaashiga Somalia iyo Jarmalka oo iyagu horay u lahaan jiray xiriir taariikhi ah.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa bishii lasoo dhaafay ugu ambabaxay baaris caafimaad dalka Jarmalka, iyadoo aan weli laga hadlin xaalk caafimaad ee guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya