4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Abuukar Cawaale Qaad-diid oo Maanta tagay Degmada Boosaaso (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale (Qaad-diid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Carmo oo ka tirsan gobalka Bari, halkaasoo uu kulan kula qaatay mamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka. Isagoo kulanka kaddib u sii gudbay degmada Boosaaso.

Kulankan oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo la xariira dhibaatooyinka uu qaadku ku hayo dadka Soomaaliyeed, iyadoo dhowr qof oo horay u jaadka u cuni jiray ay hadallo ka jeediyeen, kuwaasoo sheegay in jaadku uu dhibaato ku yahay bulshada.

Duqa Carmo Maxamed Cali Shire ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu deegaanka soo gaaro olalaha la-dagalanka Qaadka ee uu Abuukar Cawaale kawado deegaannada Puntland, wuxuuna xusay inay ka go’an tahay sidii ay dadka uga wacyi-gelin lahaayeen khataraha  uu qaadku sababo oo ay ka mid yihiin burburinta qoyska iyo dib u dhac ku yimaada nolasha dadka.

Qaar ka mid ah haweenka iyo odayaasha Carmo oo iyagauna hadlay ayaa ajiibay fariinta la-dagaalanka qaadka, waxayna ballan ku qaadeen inay inta awooddooda ah dadka ka wacyi-galin doonana Qaadka una sheegi doonaan dhibaatooyinka uu xambaarsan yahay.

Sidoo kale, Abuukar Cawaale Qaad-diid ayaa u mahad-celiyay maamulka iyo shacabka Carmo, wuxuuna xusay inay aad u farxad-gelinayso dadkii goobta kaga dhawaaqay inay joojnayaan cunista qaadka kuwaasoo qaarkood 20-sano ka badan cunayay, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay qaad fara badan oo isla goobta lagu gubay, taasoo tusaale u ah sida shacabka degmadaas ay u diiddan yihiin ka ganacsiga iyo cunista qaadka.

Ugu dambeyn, wafdiga Qaad-diid ayaa u gudbay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana kusoo dhaweeyay duleedka magaaladaas mas’uuliyiin ka socda Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso, kuwo ka socda shirkadda is-gaarsiinta Golis iyo ardayda Jaamacadda Bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee shirar kala duwan oo looga hadlayo aafooyinka uu leeyahay Qaadka iyo dhibaatooyinka uu bulshada Soomaliyeed ku hayo ayaa lagu wadaa in Boosaaso lagu qabto maalmaha soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya