4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Islaamiyiinta Libya oo qabsday deegaanada ay ku yaalaan ceelasha shidaalka


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Libya ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen laba goobood oo saliidda laga qodo kuna yaalla bar-tamaha dalka Liibiya, iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ee dalkaas ay ku dagaalamayaan sidii ay maamulka dalkaas u kala qabsan lahaayeen.

Ilaalada goobaha saliidda hodanka ku ah ee Al Bahi & Al Mabruk ayaa dib u gurtay kaddib markii ay rasaastu ka dhamaatay, sida ay sheegeen wararka laga helayo waddanka Liibiya.

Xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya ee fadhigeedu yahay Tabruuk ayaa dagaal xooggan kula jirta kooxo kale oo caasimadda gacanta ku haya; iyadoo laba dhanac uu midba kan kale weerar ka dhan ku qaaday talaadadii shalay ahayd.

Kooxahan xagjiriinta ah ayaa la wareegay ceelasha saliidda ee ku yaalla Al Bahi iyo Al Mabruk, waxayna hadda kusii jeedaan Al Dhara; kaddib markii ciidamadii ilaalinayay ay dib u gurteen sida uu sheegay afhayeenka ciidamada ilaalada ah ee dalka Liibiya Col. Ali Al Hassi.

Qaramadda Midowbay ayaa isku dayaysa in dib u bilowdo wadaxaajoodka lagu soo af-jarayo dagaallada ka holcaya dalka Liibiya wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Col. Mucamar Al Qadafi sanadkii 2011-kii.

Si kastaba ha ahaatee, colaadaha wadanka Liibiya ayaa lugaha la gashay xaalad khatar ah, iyadoo kooxaha dagaalamaya ay koox walba doonayso inay guul ka gaarto dagaallada ay kula jirto kooxda kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya