4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Wasiirka Difaaca oo Maanta booqday Ciidanka dowladda ee ku sugan Guriceel


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Wasiirka difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal ku joogay degmada Guri-ceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa saaka booqasho ku tagay dugsiga tababarka Har-qaboobe ee qaybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kulammo la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka, isla markaana dar-daaran u jeediyay ciidamaddii halkaasi ku sugan.

Jen. Diini ayaa ugu horreyn kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee qeybta 21-aad, isagoo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa colaadihii dhawaan ka dhacay deegaanka, ayna dadka degmada ka qaxay dib loogu soo celin lahaa, waxayna ballan-qaadeen inay ka go’an tahay dhinacooda in xal loo helo dhibaatada.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xogga dalka ee deegaankaas ku sugan, Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay mar walba inay u taagan yihiin soo celinta sharafta iyo haybadda Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin dhinacooda wax walba oo xal loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka ka taagan.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa yiri; "Waa inaad illaalisaan nafta sharafka iyo hantida ummadda, kana difaacdaan dalka cadowga, uuna ugu horreeyo cadowga Al-shabaab oo aad muujisaan isku duubni iyo waddaninimo.”

Ugu dambeyn, Jen. Diini ayaa yiri. "Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan cadowga, isla markaana difaacaan qaran-nimada iyo xaduududaha Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa inaydaan ka leexan hadafkaas.”

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa u tagay Guriceel sidii xal loogu heli lahaa dagaallo ku dhexmaray degmadaas ciidan ka mid ah dowladda Somalia iyo xoogag taageersan kooxda Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo sababay dhimasho fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya