4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Kooxda Islaamiga ah ee IS oo gacan ka jartay wiil dhallinyaro ah (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Kooxda Daacish ayaa baahisay sawirro muujinaya nin dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inuu xatooyo ku kacay oo ay gacan uga goynayaan meel fagaare ah.

Ninkan ay gacanta ka jareen kooxda Daacish waxaa soo qabtay ciidammo ka tirsan kooxdaas oo ka howlgala gobolka Raqa ee dalka Siiriya, iyagoo xusay inay horgeeyeen maxkamad ku xukuntay in gacanta laga jaro maadama uu fal xatooyo ah sameeyay.

Goobta xukunka gacan goynta ah ka dhaceysay waxaa ku sugnaa dadweyne aad u badan kuwaasoo daawanayay sida xukunka u dhacayay, waxaa sidoo kale goobta joogay ciidammo iyo saraakiil ka tirsanaa kooxda islaamiga ah ee ISIS/ISIL.

Kooxdan oo lagu magacaabo Khilaafada Islaamiga ah ee Shaam ayaa mararka qaarkood ka fuliya deegaannada ay ka taliyaan xukunno culus sida in qof nool laga soo tuuro dabaq aad u dhoor, isagoo indhaha iyo gacmaha ka xiran taasoo noqotay mid ku cusub indhaha dadka caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxdan ayaa ka dagaalanta qaybo ka mid ah waddamada Ciraaq iyo Suuriya, iyagoo halkaas kula dagaalamaya cidammo xoogag iyo ciidammo ka tirsan labada waddan.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya