4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Xiriirka K/cagta Somalia oo go’aan kasoo saaray rabshadihii Banadir Stadium


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Guddiga anshaxa xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed ayaa ganaax dul-dhigay Naadiga Banaadir Club oo ka mid ah kooxaha ka qaybgalaya horyaalka Nation-link ee Soomaaliya kaddib markii ay taagerayaashooda ku kaceen falal ka dhan ah xeerarka kubadda cagta ee Somalia iyo kan caalamig ah.

Maamulka naadiga Banaadir ayaa loogu baaqay inay taageerayaashooda ku wacyi-geliyaan kana joojiyaan garoonka dhagax-tuurka ay ku kaceen; taasoo ka mamnuuc ah xeerarka kala duwan ee kubadda cagta.

Go’aankan adag ayaa lagu qaatay shir muddo saacado ah socday oo maanta uu Muqdisho ku yeeshay guddiga fulinta xiriirka K/cagta, kaddib markii uu dhageysteen warbixintii guddiga tartamada iyo warbixin uu isna soo gudbiyay xeer ilaaliyihiin cayaartii kooxaha Banaadir iyo Jeenyo ku dhexmartay garoonka Banaadir Stadium, taasoo dhacday labadii bishan.

Haddaba, guddiga fullinta xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta qiimeynna ku sameeyeen ciyaarta kor ku xusan. Iyagoo warbixintooda ku xusay markii ay qiimeyn ku sammeeyey ciyaarihii ay ciyaari jireen naadiga B.S.C. iyo hab dhaqanka taageerayaashooda.

Sidoo kale, maamulka naadiga Banaadir ayaa horay loo siiyey digniino ah inay taageera-yaashooda muujiyaan deggenaasho muddada ay ciyaarta socoto, taasoo aysan waxba ka bedelin hab dhaqankoodii hore.

Xiriirka ayaa caddeeyay wixii ka danbeeyey daqiiqada 81-aad in shacabkii taageerayay kooxda Banaadir Club ay ku billaabeen tuuryo garsooraha, garoonka iyo dadweynaha daawanayay ciyaaraha, isla markaana ay wadeen intii laga gaarayay daqiiqadii 85-aad oo sababtay in ciyaarta hakad la geliyo, sidoo kale dhagax tuurkaas uu sababay in dhimasho garoonka ka dhacday.

Ugu dambeyn xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed wuxuu soo saaray dhowr qodob oo kala ah;

1. In Dhibcaha ciyaarta la siiyey Naadiga Jeenyo United
2. In Ciyaarta ay ku dhamaatay 3 – 0
3. Waxaa gudiga fullinta ay digniin adag ujeedinayaan maamulka BSC inay wacyi galiyaan talaabo adag ka qadaan taageerayaashooda kana joojiyaan garoon dhagax tuurka ay caade-ynteen taasoo ka mamnuuc ah k/cagta

Si kastaba ha ahaatee, Qoraalka kasoo baxay xiriirka waxaa ku saxiixnaa xoghayahooda guud, Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Fareey).

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya