4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Puntland oo ka Laabatay Xukunkii Xubnaha ka Qayb-galaya Kulanka G/Dhexe

Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa ka dib uga laabatay maanta xukunno xabsi daa’in u badnaa oo horey loogu riday 11-qof kuwaasoo ay maxkamaddu sheegtay in ay u goosteen maamulka laga dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Waxa maxkamaddu ay sheegtay in hadda aysan wax danbi ah ku haynin ragan la xukumay qaarkood ,isla markaana la siin doono lacag xaal marin ah oo gaaraysa 5,000 oo doollar, maadaama maxkamadu ay laashay go’aankeedi hore.

Dhamuuke Muuse Shire oo kamid ah dadkii horey loo xukumay dhawaanna ka soo laabtay degmada Cadaado ayaa sheegay in wali ay rajo ka qabaan shirarka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe.

“Halkan waxaan u nimid dalab ay noosoo jeediyeen odayada dhaqanka ee gobolka Mudug si aan uga wada hadalno waxa aan u aadnay Cadaado” ayuu yiri Dhamuuke oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Masuulkan ayaa sheegay in sababta ay u aadeen gobollada Dhexe ay tahay sidii dadka dega Puntland ay qaybtooda uga heli lahaayeen maamulkaas, balse aysan u aadin duminta maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, dadka maanta laga laalay xukunka ayaa u badnaa xubno iyaga oo jooga Puntland ay maxkamaddu xukuntay, waxaana qaarkood ay sheegeen in ay dacwad u qabaan dadkii ka danbeeyay in la xukumo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]