4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Gudoomiyaha Shirka maamulka G/dhexe oo la kulmay Soomaalida Minnesota


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha shirka wadatashig maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia, Nuur Sh. Maxamed oo ah ayaa xalay magaalada Minneapolis kula kulmay Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.

Kulan ay soo qaban-qaabisay qaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa waxaa Nuur Sh. Maxamed uu ku sharaxay abaabulka iyo dadaalka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo haatan uu shir dibu-heshiisiineed uu ka soconaya magaaladda Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dhexe ee Soomaaliya ay haatan ka go’an tahay in ay sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolladaasi ka soo jeedda ee ku dhaqan qurbaha ka codsaday in ay taageeraan dadaaladda socda, islamarkaana ay dalka dib ugu soo laabtaan.

“Dadka Soomaaliyeed ee gobolladaasi ka soo jeeda waxaa ay u soo jeesteen inay samey-staan maamul iyagu leeyihiin, oo danahooda ka shaqeeya, waxaana gogosha howshaasi looga arrinsanayo ay haatan ka fidsan tahay Galgaduud,” ayuu yiri Nuur Sh. Maxamed, isagoo intaasi raaciyey. “Haddii aad tihiin qurbe-joogta, waxaan idin ka codsanayaa in aad dalka dib ugu soo laabataan, islamarkaana aad taageertaan howlaha nabadeynta iyo dibu-dhiska leh ee socda.”

Mudanahaan ayaa sidoo kale, soo hadal-qaaday dagaallo maalmihii ugu dambeeyey ka dhacay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana dadka shacabka ah loo oogalaado in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Madasha ayaa intii ay socotay waxaa sidoo kale ka hadlay shaqsiyaad isugu jiray qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, waxaana dhammaantood ay ka mideysnaayeen sida loogu baahan yahay, islamarkaana ay lama huraan tahay maamul ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dadka goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sadik Warfa, oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka qurbe-joogta Soomaaliyeed ee caalamka “Somali Global Diaspora”, isagoo sheegay in Soomaalida qurbe-joogtu ay taageersan yihiin, sidii Soomaaliya uga gudbi lahayd xiliga colaadda iyo kala dambeyn la’aanta, islamarkaana ay soo dhaweynayaan aas-aaska maamul u sameynta gobollada dhexe.

Raaxo Ugaas Warsame, oo iyadu ku hadlaysay magaca kooxda munaasibadda soo abaabushay ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo kula dardaarantay dowladda dhexe iyo dadka gacanta ku haya howshaasi in looga baahan yahay dadaal iyo tanaasulaad dheeri’ ah.

Guud ahaan, dadkii goobta ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Xaashi, Cabdisalaam Kaytoon, iyo shaqsiyaad kale oo isugu jira waxgarad iyo hogaamiyeyaasha Soomaalida Minnesota ayaa dhammaantood ka mideysnaa sida loogu baahan yahay maamul ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo shir  dibu-heshiisiineed oo loogu gogol xaarayo uu ka soconato magaaladda Dhuusa-mareeb.

Maxamed Faarah Talyaani
[email protected]
Minneapolis, Minnesota