4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo WFP kala hadlay gurmadka Samfalka


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa agaasimaha barnaamijka cunnadda adduunka ee WFP u qaabilsan Soomaaliya, Laurent Bukera, iyagoo kawada hadlay xaaladda cunno-yari ee barakacayaasha ku haysata Somalia iyo dib u dejin loo sameeyo dadka saameyntu ku yeeshay colaadaha sokeeye ee dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah dalka.

Hadliye ayaa muujiyay in Somalia oo guda-gashay xilliga jiilaalka ay baahi u qabto gar-gaar bani’aadanimo si looga hortago dhibaatooyin aadamnimo ooh or leh.

“Xilliyadii ugu dambeeyay roobku wuxuu ahaa mid aad u yar, taasoo sabab u noqotay in hoos u dhaco wax soo saarka beeraha,” ayuu Hadliye ka sheegay shirka uu la yeeshay madaxa hay’adda WFP.

Dhanka kale, Laurent Bukera ayaa dhankiisa ballan-qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan fidinta gurmad deg-deg ah ee cunno si looga gaashaanto gaajo iyo nafaqa-darro ku dhacda haweenka, caruurta iyo dadka da’da ah.

Si kastaba ha ahaatee, sannadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka jiray cunno la’aan ay aad uga cabanayaan dadka ku nool gobollada dalka, taasoo dad ku dhisay deegaanno kala badan oo Somalia ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya