4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Shariif Xasan oo Wasiir u Magacaabay Madoobe Nuunow Max'ed (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xil wasiir u magacaabay Madoobe Nuunow Maxamed oo ahaa madaxweynihii maamulkii lixda gobol ee kasoo horjeeday dhismaha maamulka lixd gobol.

Shariif Xasan ayaa Madoobe Nuunow u magacaabay wasiirka xannaanada xoolaha ee maamulkiisa Koonfur-galbeed, isagoo ka dalbaday Madoobe inuu ka shaqeeyo ammaanka deegaannada uu maamulku ka taliyo.

Madoobe Nuunow oo la hadlay warbaahinta magacaabistiisa kaddib ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay inuu xilka loo magacaabay kusii shaqeeyo, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu aqbalo xil wasaaaradeed tan iyo markii uu Baydhabo ka dhashay muraka ku saabsan maamulladii iska soo horjeeday.

“Xilka laii magacaabay waa mid aan ku qanacsanahay aana ku shaqeyn doono,” ayuu yiri Madoobe Nuunow oo warbaahinta la hadlay, isagoo intaas ku daray inuu ka shaqeyn doono horumarinta xannaanada xoolaha deegaannada uu maamulku ka taliyo.

Sidoo kale, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegay in xilkan uu yahay mid uu sii haynayo Madoobe Nuunow, balse uu qorsheynayo inuu jago kale oo tan ka muhiimsan uu u magacaabo.

Madoobe Nuunow ayaa ka mid ahaa xubnihii sida aadka ah uga biyo diiday in la dhiso maamulka saddexda gobol, isagoo horay u sheegay in dhismaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed ay kaga wanaagsan tahay inuu heshiis la galo maamulka Jubba oo uu horay u diidanaa.

Ugu dambeyn, Shariif Xasan ayaa shalay dhameystiray xubnaha golaha wasiirada, isagoo magacaabay dhowr wasiir, waxaana xubnaha la  magacaabay oo ay ku jiray haweenay isla shalay lagu hordhaariyay madaxweynaha Koonfur-galbeed ee Somalia.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya