4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2015
Ciidanka Mareykanka oo lagu eedeeyay inay ku Dhaqamaan Midab-kala-sooc


Arbaco, Maarso 04, 2015 (HOL) — Dil ay ciidamada amniga Mareykanka sannadkii hore u geysteen wiil madow oo lagu magacaabi jiray Michael Brown ayaa ka dhaliyay dalkaas qalalaase.

Go’aan laga gaaray dilka wiilkaas bishii November ee sannadkii hore ayaa lagu sheegay in askariga dilka geystay ayaa dib u qarxisay in dibadbaxyo iyo qalalaaso ay qaybo ka mid ah Mareykanka ka dhacaan.

Waaxda cadaaladda ayaa falalkaas kaga jawaabtay inay sameyno baaritaan ku saabsan xuquuqda rayidka, taasoo in lasoo afjaro aysan ahayn mid sahlan sida ay sheegeen xeer-beegti  Mareykank ah.

Baaritaankan qaybihiisii hore ayaa muujinaya in laanta booliska, xabsiga degmada iyo saraakiisha maxkamadaha ay muujiyeen midab kala-sooc aan loo aabbo-yeelin.

Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in ciidamada ay adeegsadeen awood xad-dhaaf ah oo aan sax ahayn, isla markaana ka dhan ah dadka madowga ah, sidoo kalena lagu eedeeynayay dembiyo aan sidaa u wa-weynayn.

Qaar ka mid ah eedahan ayaa sii huriyay in la dulsaaro canshuuro ama ganaax aan ka mid ahayn badbaadada shacabka.

Sidoo kale, waaxda cadaaladda ayaa ogaatay in dadka Afrikaanka ah ee ku nool Mareykanka 68% ay u badan tahay in dacwadaha ay qabaan ay iska tuuraan maxkamadaha marka loo eego dadka kale ee caddaanka ah.

Bilihii Abiil illaa September sannadkii hore ee 2014-ka, ayaa baaritaan lagu sameeyay dadka ku xiran xabsiga Ferguson waxaa lagu ogaaday in 95% ay yihiin dad madow ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya