4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
GALEYDH: Wadahadalladu hadday burbureen Cidduu Waqtigu ku socdo waa Somaliland


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay wadahadaladii burburay ee dalka Turkiga ku dhex-mari lahaa dowladda Somalia iyo Somaliland, isagoo sheegay in burburka wadahadaladan ku yimaaday aanu aheyn mid sii jiri doona.

Galeydh oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in haddii uu dib u dhac yimaado, wuxuu waqtigu ku socdo waa Somaliland, ayna khasab ku tahay inay shirka kusoo laabtaan.

“Shirkii waa lagu kala kacay… waana burbur aan filayo inuusan sii jiraynin, waana la isku baahan yahay. Somaliland iyadaa Somalia u baahan, haddii dib u dhac uu yimaadana iyaga ayuu waqtigu ku socdaa, waxaanan qabaa inay khasab ku noqonayso inay kulanka kusoo laabtaan,” ayuu yiri Galeyr.

Wuxuu ka hadlay diidmadii Somaliland ee xubno ka tirsan wafdiga dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintaas ay tahay mid mid aan xal ahayn oo aan habboonayn.

“In Somaliland tiraahdo dadka shirkaka ka qayb-galaya annagaa xulanayna oo nalama fara-gelin karo, dadka dowladdu soo dirsatayna talo ka bixinayna, haddii sida aan jecelnahay aan wax loo wadinna shirkaan ka baxaynaa mid iyaga dhaqeysa ma ahan. Somalia hakad waa ku dhici karaa, qadiyadan mid halka ku hakaneysa ilama ahan, waa la isugu soo noqonayaa, dhabta ayaana loo imaanayaa… hadalka ma burburayo waa wax muddo soo socday,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Sidoo kale, Galeydh ayaa sheegay in Somaliland ay in muddo ah dadkeeda u akhrinaysay in la ictiraafayo, taasna ay tahay mid dhalanteed ah, isagoo ku daray intaas in tan iyo dowladdii uu hoggaaminayaya Sheekh Shariif illaa middan uu hadda hoggaaminayo Xasan Sheekh loo dhabar adeegay wadahdalladan tanaasulaad badanna ay dowladdu sameysay.

Waxaa kaloo Dr. Galeyr la weydiiyay su’aal ahayd wuxuu u joogo Muqdisho, wuxuuna ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ay is arkeen, ayna ka wadahadleen arrimo badan, kuwaasoo uu ka xusay inay heshiis ku gaareen in la taageero maamulkiisa Khaatumo.

“Sida dadka siyaasadda la socda ay og-yihiin aniga iyo madaxweynaha waan is khilaafnay, arrimo siyaasadeed ayaana isku qabannay, haddana waanu ka heshiinnay oo waxaan ku heshiinay wax Khaatumo dhaqaya; annaga haddii aan Khaatumo State nahay dad lagu hanuuninayo ma nihin midnimada Somalia, cid aan marti uga nahayna ma jirto, waxaana qaadanaynaa doorka aan xaqa u leennahay,” ayuu yiri Galeydh.

Hadalka Galeydh ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay uu burburay shirkii ay ku yeelan lahaayeen dalka Turkiga dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo dhinac walba uu dhinaca kale ku eedeeyay sababaha burburka keenay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya