4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Ururo ku baaqay in laga hortago Kufsiga lagula kaco Dumarka Soomaaliyeed

Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo kufsiga lagula kaco haweenka Soomaaliyeed, kaasoo ay sheegeen inay haweenka Soomaaliyeed ku tahay caqabad weyn.

Nicholas Kay iyo Maman Sidikou ayaa maanta sheegay inay tahay mid lagama maarmaan ah in la qaado tallaabooyin lagu ilaaliyo haweenka iyo gabadhaha Soomaaliyeed, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan difaacidda haweenka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururrada aan dowliga ahayd iyo hay’adda Worldwide oo ah mid ka shaqeysa ka hortagga galmoodka sharci-darrada ah, waxaana ka qaybgalay kulanka wasiirradda haweenka Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar, ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Michele Cervone d'Urso, agaasimaha xarunta ELMAN, Fartuux C/salaam iyo sidoo kale madaxa hay’adda Legal Action Worldwide, Antonia Mulvey.

"Waa muhiim in la qaado tallaabooyin looga hortagayo kufsiga haweenka loo geysto. Waa inuu jiraa sharci lagu ciqaabayo kuwa xadgudubyada noocan oo kale ah ku kaca. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay maamullada iyo dowladda Soomaaliya kala shaqeyso kordhinta tallaabooyin lagu ilaalinayo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed," ayuu yiri danjire Kay oo kulanka ka hadlay.

Ergayga ururka Midowga Afrika iyo AMISOM ee Soomaaliya, danjire Maman S. Sidikou ayaa isaguna shirka ka sheegay in la qaado qorshayaal lagula dagaalamayo wuxuu ugu yeeray dhiig-miirashada kula kaca xadgudubyada galmoodka ah haweenka Soomaaliyeed.

“Waa inuusan jirin gabaad ku amaan-geli karaan kuwa xadgudubyada uu ka mid yahay kufsiga kula kacaya haweenka iyo gabadhaha Soomaaliyeed. Waa inaan dhammaanteen dhexda u xiranaa sidii aan uga hortegi lahayd kuwa ku kacaya xadgudubyada uu kufsigu ka mid yahay,” ayuu yiri danjire Sidikou oo intaas ku daray. “Dowladda Somalia, shacabka Soomaaliyeed iyo ururrada ka shaqeeya dalka sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika sidii looga jawaabi lahaa dhibaatooyinkan, loona caawin lahaa kuwa dhibaatada horay loogu geystay si ay u helaan cadaalad.”

Ugu dambeyn, xubnihii kale ee kulanka ka hadlay ayaa iyaguna kulanka ka soo jeediyay inay muhiim tahay in la helo taageero wanaagsan si looga hor-tago arrimaha ay ka mid yihiin; daryeelka caafimaadka, ka hortagga kufsiga iyo isku dhacyada qoysaska wada-nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya