4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Beledweyne oo laga hirgelinayo Quwada Koronto Cad-ceeda ku Shaqeynaysa


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Mashuurcan quwada korontada ku shaqeysa cad-ceeda [Solar System] ayaa waxaa  iska-kaashanaya dowladda Norway iyo maamulka gobolka Hiiraan, waxaana mashuuraca qeybtiisii koowaad laga bilaabay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa daahfuray wajiga koowaad ee mashruucan lagu dhigayo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Solar ku shaqeeya cad-cadeeda oo meesha ka saari doona dhibaatadii dhinaca korantada ee markii hore ka jirta isbitaalka.

Hirgalinta habka quwada korontada ee cad-ceeda ku shaqeysa xir-xirista Solarrada lagu rakibayo isbitaalka waxaa gacan ka geysanaya Injineero ajnabi ah oo maanta gaaray magaalada Beledweyne, kuwaa oo durbaba howl-gallay.

Agaasimaha guud ee isbitaalka magaalada Beledweyne, Axmed Maxamed Khaliif oo war-baahinta la hadlay ayaa uga mahad-celiyay dalka Norway iyo maamulka gobolka Hiiraan Solarrada ay ku ugu deeqeen isbitaalka oo sidda uu sheegay baahi-weyn loo qabay.

''Mar marka qaar waxaa dhici jirtay iyadoo qaliin lagu jirro in korontadu cilad ku timaado, amaba uu matoorku dammo, taasoo dhibaato weyn ku aheyd howsha isbitaalka iyo adeegii caafimaad ee loo sameyn lahaa qofka bukaanka ah, laakiin haddii uu qorshahan her-gallo waxaa hubaal ah in taa laga gudbi doonno ayuu yiri'' agaasimaha isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in qorshan uu yahay mid bilow ah, balse mustaqbalka dhaw doonayaan inay ku ballaariyaan quwada korontada cad-ceeda ku shaqeysa guud ahaanba qeybaha uu gobolka ka kooban yahay.

''Isbitaalka runtii annaga muhiim gaar ah ayuu inoo leeyahay, waayo waa goob caafimaad, oo u baahan in si gaar ah baahida ka jirta loola socdo, waana tan keentay in aan ku bilaawnno mashruuca korontada ku shaqeysa cad-ceeda ayuu yiri '' guddoomiyaha maamulka gobolka.

Sidoo kale hareeraha wada halbowlaha u ah magaalada ayaa waxaa laga bilaabay dhismaha baalayaal la doonayo in lagu xiro nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda oo ah qayb ka mid ah mashruuca dowladda Norway ugu talo-gashay gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa si weyn u soo dhaweeyay hormarka ka jira gobolka, iyagoo xusay in nalalka lagu xirayo hareeraha wadda qayb-weyn ka noqon karaan sugida ammniga, madaama qofka xiligii uu doonno uu socon karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya