4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Musharraxa Maamulka Gobollada Dhexe oo Lagu Soo Dhaweeyay MINNESOTA


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Tan iyo markii lagu dhawaaqay dadaalka la doonayo doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada dhexe ee Somalia, ayaa waxaa soo baxayay murashaxiin badan oo isku soo taagay xilka, iyadoo weli uu socdo shirkii diyaar-garowga maamul u sameynta gobolladaas.

Haddaba, gobolka Minnesota oo ay Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka deggen yihiin ayaa waxaa toddobaadkan soo gaaray  murashax dhallinyaro ah oo lagu magacaabo, Maxamed Cilmi Afrah (Mideeye), kasoo u taagan qabashada xilka maamulka gobollada dhexe ee Somalia iyadoo loogu qabtay hoolka Safari ee Minneapolis kulan soo dhaweyn ah, taasoo ay kasoo qaybgaleen dadweyne badan.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay xubno isugu jira aqoonyahanno, dhallinyaro, haween iyo culumaa’uddiin, kuwaasoo dhamaantood ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan degmada Guriceel.

“Maxamed Mideeye waa muwaadin kasoo shaqeeyay xilligii adkaa ee ay soo mareen gobollada dhexe ee Soomaaliya, waana waxa aan ku taageerayno,” sidaa waxaa tiri Ubax Dhiblaawe oo HOL uga warratay intii lagu jiray kulankii lagu soo dhaweynayay.

Sidoo kale, Mideeye oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu doonayo inuu u shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, isgoo xusay inuu yahay ruux doonaya haddii xilka Alle ku guuleeyo inuu wax ka qabto xaaladaha ka jira gobollada dhexe, sida nabadgalyada, siyaasadda iyo horumarka dadka. Wuxuu ku sheegay hadalkiisa inuu doonayo inuu doorashada ku guuleysto.

Waxaa kaloo uu sheegay in maamulladii soo maray Somalia tan iyo markii la qaatay xorriyadda ay dayaceen gobollada dhexe, isagoo xusay in taas laga garan karo dhanka horumarka oo aad u dambeeya, waxaadna og-tihiin buu yiri in dagaallada ka dhacay Somalia ay 50% ka dhaceen gobollada dhexe.

Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa kusoo koobay arrinta gobollada dhaxe waa arrin Soomaaliyeed waayo ayuu yiri nabad ka dhalata gobolladaa dhexe waa mid gaaraysa dalka oo dhan iyo dowladaha dariska ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa kulanka suugaan isagu jira gabayo iyo heeso kala duwan kusoo bandhigay Abwaan Maxamed Jaamac, fannaanada Sahro Cumar Dhuule Iyo fannaanka Abti.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota