4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 3 , 2015
Nabadsugida Somalia oo sheegtay inay gacanta ku hayso Liibaan X. Maxamed


Talaado, Maarso 03, 2015 (HOL) — Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay inay gacanta ku hayso Liibaan Xaaji Maxamed oo ka tirsan Al-shabaab kaasoo dhawaan hay’adda FBI ay sheegtay inay ku dartay liiska argagaxisada caalamka, ayna madaxiisa dul-dhigtay lacag dhan 50,000 oo doollar.

Liibaan Xaaji oo ah Somali-American ayaa wuxuu ka mid ahaa Al-shabaab, iyadoo ay ku eedeysay dowladda Mareykanka inuu taageero siin jiray Al-shabaab, sidaasi darteedna halis uu ku yahayy ammaankeeda.

Hay’adda amniga Somalia iyo sirdoonka Mareykanka ayaa muddo maalmo ah dusha kala socday dhaqdhaqaaqa Liibaan oo la sheegay inay qabteen isagoo kasoo tagay Jubbooyinka kuna socday Muqdisho. iyadoo dowladdu aysan sheegin xilliga la qabtay sarkaalkan.

Liibaan oo 29-jir ah ayaa wuxuu haystaa dhalashada Mareykanka, wuxuuna ku noolaa Virginia oo uu ka ahaa taksiile, iyadoo goor dambe la sheegay inuu tababarro siiyo qaar ka mid ah dhallinyaro uu u qoray Al-shabaab.

Dhanka kale, hay’adda nabadsugidda Somalia ayaa sheegtay inay magac cusub u bixisay Xarakada Al-shabaab, kaasoo ah UGUS oo laga soo gaabiyay ururka gumaadka ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda FBI-da dalka Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay shaacisay in Liibaan oo ay raadinaysay uu xiran yahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya